Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maqaloocshe iyo Heestii Sanadka Cusub2011

Sanadwanaagsan oo wacan 2011 ilahay mid khayrqaba hayno gadhigo

Maqaloocshe iyo Heestii Sanadka Cusub2011
hargeisa(maantasomaliland)

Sannad waliba furiniyo,Wuxuu roodhi leeyahay, Waa laga cunaayoo
Laga soo cantuugaa…..

Sanad cusub dhamaan shacabka reer somaliland, waxaan jecelahay farxada sanadka cusub inaan idin kula wadaago hees uu tiriyay majaajilaystaha,wariyaha,hal-abuurka
reer somaliland ee A.A.Garas. heestaas oo uu tiriyay sanadkii 2003, sida uu sheegayna heestaas samaynteeda waxaa isku qabsaday isaga iyo RI,tuugo ah,Musigeeda markii la
garaacayeyna waxaa ku kala jabay Hangool, markii laxanka la saarayeyna Tiyeetar ayaa ku dumay,waxaana ku luuqayn doonta Fannaanada heesaha xadda, Xulbado Afdhuubo.

Dhirin.. dhirin .. dhiriirim

Sannad waliba furiniyo
Wuxuu roodhi leeyahay
Waa laga cunaayoo
Laga soo cantuugaa.

Sannad waliba quruxiyo
Qafqaf iyo iswaaliyo
Qufac iyo qaadiro
Wuxuu qumayo leeyahay
Waa laga qoraayo
Hadhow laga qadhiidhaa.

Qaar kaa horeeyoo
Kurusaa na dhaafee
Kii noo samaadee
Marna nagu samaadee
Mar sii samaadee
Sallaxmee hagaagee
Somaliland taa
Samawaadka mariyee
Sonkoreeya kaa yeel.

Sannadkii la mahadshee,
Marna lagu mirqaamee,
Dadku wada mabsuudee
Mustafaysma kaa yeel.

Sannadihii na dhaafee
Sumsumee isdaba galay
Midna mid uma ekeyn,
Seben tuur lahaa iyo
Sannad toosanbaa jiray.
Sannad tuug badnaa
Mid sandheerle baa jiray.
Mid barwaaqo badaniyo
Mid busaaradlaa jiray.
Mid xanuuno badanoo.
Hargab miidhanaa jiray.
Mid daruurro badanoo
Di’I waayay baa jiray.
Mid distoor samaystoo
Doorashooyinlaa jiray.
Sannad guurku badanyoo
Lays wada furaa jiray.

Kii noo hagaagee
Noo horukac qaadee
Na habeeya kaa yeel.
Allahaw, naq nabadiyo
Nabsi baxa wax noo roon
Allahayow jir nookeen.
Jir jacayla noo keen
Jirda gooye muu da’o
Muu jidhaamo buuxsamo
Qofba jeeg ka dhaansado.
Bal may jeexyo caashaqi
Xaafaddaa jiidhaan.
Dhallinyarada jalaqsani
Kalgacayl jiboodaan
Jeesba jees dambaabidho
Jalxadaa xubigu wado
Jeesba jees la tiigsado.
Dadkii jacaylku dhaawaco,
Maa joonyad lagu guro.
Jaanbad caashaq lagu guray
Qufda may ka saaraan
Aanu rabashka daynee
Allahow raxmadaadiyo
Roob Lacag ah noo keen.

Dawladda iyo ururada
Roob aan laynin noo keen.
Ubadkiyo islaamaha
Ibtilaynin noo keen.
Daaraha dulmigu galo
Mid dumiya noo keen.
Dumarka isbuufshana
Darayeenya noo keen.
Cudurrada dilaaga ah
Dam ka siiya noo keen
heestu ma dhama

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com