Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hadalhaynta Reer Somaliland iyo loolanka ee ka dhex taagan hogaanka sare ee xisbiga Kulmiye

 

Hargeysa (msl)- Shacabka reer Somaliland ayaa si balaadhan u faaqidaya maalmahan dambe arrimaha loolanka ee ka dhex taagan hogaanka sare ee xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda uu xisbigu ku abtirsado.

Loolankan oo soo shaac baxay maalmihii u dambeeyey ayey dadweynuhu si weyn ugu dhag taagayaan halka uu sal dhigan doono, iyada oo dadweynaha qaar arintani ka doodayaa uu qof waliba fikirkiisa cabirayo, isla markaana si weyn looga dhex dareemayo magaalada Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland, waxaana goobaha la iskugu yimaado lagu falanqaynayaa dareenka ka dhashay loolanka ka dhex abuurmay hogaanka xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda, kaasi oo ay siyaasiyiin kala duwan oo damac leh ku doonayaan in ay ku qabtaan hogaanka sare ee xisbigaasi.

Arintan ayaa maalinba maalinta ka  dambaysa cirka isku sii shareeraysa ka dib markii ay bateen siyaasiyiinta kala duwan ee soo bandhigay damacadooda, iyada oo ay siyaasiyiinta soo bandhigay damacoodu ay gaadhayaan ilaa shan siyaaasi oo sheegay in ay u kala tartamayaan jagooyinka guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka xisbiga.

Siyaasiyiinta ilaa hadda cadaystay hankooda ayaa waxa ka mid ah Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Xisbiga Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Maaliyadda C/casiis Samaale, kuwaasi oo sheegay in ay u taagan yihiin jagada guddoomiyaha iyo musharaxnimada madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye, waxa iyaguna sheegay in ay u taagan yihiin jagada guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) iyo Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee komishanka la dagaalanka xanuunka HIV AIDS-ka C/kariim Xinif.

Shacabka reer Somaliland ayaa u dhag taagaya halka ay ku dambayn doonto loolankan ka dhex taagan siyaasiyiinta ku jira xisbiga Kulmiye oo badi lagu naanayso inay yihiin Qoodh xisbi isugu timid, kuwaasi oo tartankoodu ka xamaasad badan yahay tartanada ay galaan xisbiyada iyo ururada kale ee dalka soo maray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com