Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

War-saxaafadeed: Guddoomiyihii Hore Ee Hay’adda Qurba-joogta Somaliland Oo Isku Sharaxay Jagada Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Kulmiye

Hargeysa (msl) Guddoomiyihii hore ee  hay’adda qurba-jooga Somaliland Saleebaan Maxamed Faarax, ayaa ku dhawaaqay inuu u tartamayo xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye.

War-saxaafadeed uu maanta soo saaray oo soo gaadhay Xafiiska Wararka ee Ramaasnews, ayuu ku sheegay inuu u taagan yahay Musharaxnimada xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye isla-markaana uu ka dhex raetami doono shirka golaha dhexe ee xisbigaasi.

War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan “Sida la ogyahay waxaan ka tirsanaa aasaasayaashii, xubin firfircon ka soo ahaa Xisbiga Kulmiye illaa shirweynihii koowaad ee Xisbiga sannadkii 2002dii. Sida xaqiiqda ah iyadoo aan faan iga ahayn balse in badan oo madaxda iyo mujtamaca taageeraa ka maragyihiin, waxan illaa markaa iyo labadii doorashe ee madaxtooyadda Somaliland iyo weliba kuwii kale ee Baarlamaanka iyo dawladaha hooseba  aan isku tirinayaa inaan ku jiray dadka  lafdhabarta ama halbawlaha u ahaa xisbiga Kulmiye ee sida niyadda ah ugu hurayay xaddi kasta taageero dhaqaale oo baaxad leh, mid aqooneed iyo maskaxeedba sidii loo xaqiijin lahaa in gaadho ujeedooyinkii siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye loo aasaasay, laguna guulaystay sannadkii 2010kii doorashadii madaxtooyadda JSL.

Waxan aaminsanahay in juhdigii iyo tacabkii badnaa ee aniga iyo in badan oo ila mid ahi ku bixiyeen Kulmiye aan lagu khasaarin ee midhihiisii ay mujtamaca Somaliland maanta guranayaan marka loo eego is bedelka waxqabad, horumar iyo siyaasadeed ee dalka ka hirgalay mudada gaaban ee xisbiga Kulmiye talada dalka hoggaaminayay. Dabcan, taageeraydii iyo kaalintaydii Kulmiye ma ahayn mid dano gaar ah, kursi iyo wasiirnimo salka ku haysay balse mid caam ah iyo dan umadeed iyo is bedelkaa la mahadiyay ayay ahayd. Waa ilaahay mahaddii, waxaana magaca iyo maamuuska koowaad ku leh Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Way jirtaa inaan doorashadii u dambaysay ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye damac iga galay oo aan ku fikiray inaan isu soo taago musharaxa jagada Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye balse wakhtigaa iyo wadcigii jiray markaa awgeed ayaan uga hakaday, waxanse maanta filayaa inay xilligii ugu habboonaa tahay inaan isu sharraxo jagadan.

Markaan la tashaday dhinacyo kala duwan oo ehel. Asxaab iyo taageerayalba leh.waxaan maanta halkan ku wargelinayaa Anigoo ah Suleiman Mohamed Farah dhammaan madaxda iyo masuuliyiinta sharafta leh ee Xisbiga Kulmiye, golaha dhexe iyo taageerayaasha xisbigaba meelkasta oo ay joogaan inaan u taagnahay (Musharax) jagada Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye doorashada dhaw ee Golaha Dhexe ee Xisbiga kulmiye haddii Alle idmo oo aan noolahay.

Sida caalamiga ah ee masuuliyadda iyo waajibaadka Xoghayaha Guud ee Xisbi siyaasadeed lagu yaqaanno, waxan aaminsanahay inaan waxbadan oo tayo iyo waxqabad ah ku soo kordhin doono hawlqabadka Xisbiga gaar ahaan xidhiidhka dibadda, dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo haykal meeqaam sare leh oo Heerka caalamiga ah waafaqsan haddii aan ku guulaysto jagada Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye sida aan ku rajo weynahay oo Alle aqbalo.

Mudadii ay xukuumadani jirtay ee xisbigu talada hayay, waxan noqday Guddoomiyihii koowaad ee Wakaaladda Qurba-joogga ama xafiiska hadda loo yiraahdo xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadhaha JSL oo ka mid ahayd hay’adaha ku cusbaa dawladda, isla markaana waxa xusid mudan ama sharaf ii ah dhismaha hay’addani uu ahaa qodob aan si shakhsi ah u danaynayay barmaamijkii xisbiga Kulmiye mar loo eego doorka waxtarkaleh, khayraadka dhaqaale, aqooneed iyo farsamo ee ku duugan Qurba-joogga Somaliland, waxanan rajaynayana inay noqon doonto xidhiidh uu qaranku mahadiyo oo laga faa’iido mustaqbalka insha Allah”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com