Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

X.cabdi Waraabe Oo Fariimo Kulul Oo Canaan Iyo Dhaliilo Isagu Jira u soo jeediyay Madaxweyne Siilanyo iyo Saylici iyo Golaha Wasiirada Siilanyo

Xaaji Cabdi Waraabe oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida iyo Odayga ugu da’ weyn golayaasha qaranka oo ka qeyb galay xaflad Nin ku sheegay inuu ku qiimeyay Boqol qof oo uu xushay oo wax dhintay iyo wax noolba isagu jiray ayaa canaan,talooyin iyo dhaliilo isbarkan u soo jeediyey Madaxweyne Siilanyo,ku xigeenkiisa Saylaci iyo Golaha xukumada ama Golaha wasiirada Siilanyo.

Ugu horeyn Xaaji Cabdi Waraabe oo ka hadlaayey Madaxweyne Siilanyo daacad-daradiisa iyo dulqaad yaraantiisa isagoo oo madasha ku sugnaa wuxuu yidhi:

“Madaxweyne Umadda intaa le’egi ku wada ammaani mayso ee dulqaad lahaw,Gacan lagula iman-maayo ee dulqaad hadalka u lahaw,sidaas ayaad meeqam ku gaadheysaa ee daacadnimana ogow,Nin yar ma tihid ee waxaan ku qaban qaado”.

Sidaas si la mida wuxuu Xaaji Cabdi Waraabe si weyn u duray Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylaci wuxuuna ku yidhi

“Madaxweyne xigeenku inuu cawdaa waa daw laakiin inuu buuq iyo qaylo abaabulo may ahayn .Waa inuu hoos u cawdaa oo yidhaaahdo waxaas ha layga daayo hadduu Madaxweyne Siilanyo hadalka kala xishoodana inuu Rag ku odhan kara u yeedhaa bay ahayd”.

Geesta kale wuxuu Xaaji Cabdi Waraabe farta ku fiiqay khilaafka,habacsanaanta,wadashaqeyn la,aanta iyo dhaliilaha dul-hogaanaaya Golaha wasiirada Xukuumada Siilanyo wuxuuna u soo jeediyey talo dhaxalgala inkastoo aanay dhegahoodu xaajiga u furayn. Xaaji Cabdi Waraabe oo wasiirada la hadlaayana wuxuu yidhi

“Wasiiradu yey xintamin,gelinka horena yey shirin ee shaqadooda iyo xafiisyadooda ha ku ekaadeen,xafiiska Madaxweynaha ee aad tegaysaan maalin walba joojiya oo dadka u shaqeeya hadaan Madaxweynuhu idin dalban, jooga xafiisyadiina oo dadka u shaqeeya.
Isku soo wada duuboo xikmad baa ah “Hadal Waayeel waa guudmare” ama Reer magaalku hadalka kaftanku ku dhamaystaaye Xaaji Cabdi wuxuu Madaxweyne Siilanyo ,Ku xigeenkiisa Saylaci iyo Golaha xukumadaba isu dhexdhigay canaan,dhaliil,talo soo jeedin iyo toosin laakiin waa haddii alle wax kaga taro oo keliya!.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com