-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay kulan la yeeshay Wasiirka Iskaashiga caalamiga ah ee Britain Andrew Mitchell. Waxana kulankaasi xukuumadda Somaliland ka soo saartay warpsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu u dhignaa sidan:-daawo sawirada
Hargeysa -Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay kulan la yeeshay Wasiirka Iskaashiga caalamiga ah ee Britain Andrew Mitchell. Waxana kulankaasi xukuumadda Somaliland ka soo saartay warpsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu u dhignaa sidan:- “Madaxwaynaha Jamhuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed (Silaanyo) iyo waftigii uu hogaaminayay […]
-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Waddanka Ingiriiska, Mudane William Hague.daawo sawirada
Hargeysa -Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Waddanka Ingiriiska, Mudane William Hague. Afhayeenka madaxtooyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo la socda weftiga madaxweynaha ayaa ka soo saaray war-saxaafadeed u dhignaa sidan:- “Madaxwaynaha Jamhuriyada Somaliland, Mudane Ahmed Maxamed (Silaanyo) iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa waxa […]
Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhaweysay maxkamadeynta Madaxweyne Ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Cali Samatar oo dhawaan lagu maxkamad lagu soo taagayo dalka Maraykanka, ka dib markii muwaadiniin reer Somaliland ahi dacwad ku soo oogeen. Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geel-jire ayaa wax lala yaabo ku tilmaamtay hadalkii ka soo yeedhay madaxweynaha dawlada TFG-da Somalia. “Xukuumad iyo shacaba dadkeena ku nolol reer Somaliland wixii ka galay danbi ama aynu u sheeganayno danbi. Haddii loo helo maxkamad eegta kiiska taageero ayuu inaga mudan yihiin Sida aad ogtihiinbaa kiisan dad muwaadinin oo reer Somaliland ayaa soo dacwooday oo Cali Samatar ka soo dacwooday oo ahaa madaxweyne ku-xigeenkii Soomaaliya ahaana wasiirkii gaashandhiga,”Ayuu yidhi wasiirka Kalluumaysiga iyo kayraadka baddu Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) Wasiirka wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi uu maanta siiyay Telefishanka Horn Cable TV. Waxaanu yidhi “Isaguna waxaa uu berigaa warbaahinta u sheegay inuu ahaa ninkii amray in hargeysa diyaaruhu iyaga oo kacaya madaarkeen ay dadka shacabka duqeeyaan. Marka dadkii beriga wax ku noqday ayaa dacwada lahaa, markaa waanu taageersan nahay oo isaguna markaa wuu u baahanyahay caddaalad hadii lagu helo oo wuxuu helayaa danbigii lagu helay, haddii aan lagu lahayn oo ay maxkamadi sii dayso waxa uu helay caddaalad oo waxa weeye danbigaa waa lagu waayey oo anagu waanu taageersan nahay isaga iyo wixii la keeni karabaa.”
Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhaweysay maxkamadeynta Madaxweyne Ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Cali Samatar oo dhawaan lagu maxkamad lagu soo taagayo dalka Maraykanka, ka dib markii muwaadiniin reer Somaliland ahi dacwad ku soo oogeen. Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geel-jire ayaa wax lala yaabo ku tilmaamtay hadalkii ka soo […]
Wefti ka socda Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka ayaa maanta kormeer ku soo maray Xafiisyada kala duwan ee Ururada Siyaasada ee ka furan Magaalada Laas caanood ee Xarunta Gobolka Sool.
Laascaanood (maantaSomaliland.com)- Wefti ka socda Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka ayaa maanta kormeer ku soo maray Xafiisyada kala duwan ee Ururada Siyaasada ee ka furan Magaalada Laas caanood ee Xarunta Gobolka Sool. Weftigan oo ka kooban afar xubnood waxa hoggaaminayay Afhayeenka Gudida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka Xasan Axmed Ducaale (Xasan […]
Ciidammada Booliska magaalada Hargeysa ee Somaliland, ayaa maanta Xabsiga u taxaabay Agaasimaha maamulka Wargeyska madaxa-bannaan ee Ogaal, ka dib markii wargeysku maanta daabacay war ku saabsan in maleeshiyo ka tirsan Jabhadda ONLF ay ka soo degeen xeebta galbeedka Somaliland ee Bulo-caddo, taasi oo ay dawladduna sheegtay inaanay waxba ka jirin.
Hargeysa(maantaSomaliland.com ):- Ciidammada Booliska magaalada Hargeysa ee Somaliland, ayaa maanta Xabsiga u taxaabay Agaasimaha maamulka Wargeyska madaxa-bannaan ee Ogaal, ka dib markii wargeysku maanta daabacay war ku saabsan in maleeshiyo ka tirsan Jabhadda ONLF ay ka soo degeen xeebta galbeedka Somaliland ee Bulo-caddo, taasi oo ay dawladduna sheegtay inaanay waxba ka jirin. Agaasimaha maamulka […]
(war deg deg ah)Ciidamo ka tirsan jabhada ONLF oo tiradooda lagu qiyaasay dhawr iyo soddon nin ayaa goor dhawyd cabaaro fiidkii ayaa xeebta galbeed ee somaliland ka soo degay,kuwaasoo tababaro Milatari ku soo qaatay dalka ERITREA oo xarun u ah mucaaradka hubaysan ee ETHIOPIA ,waxaana ay ku sii jeedaan dhulka dhanka Waqooyi kaga beegan deegaanka Xariirad, halkaas uga sii gudbayaan gudaha ETHIOPIA ,iyaga oo raacaya buuraleyda Maar-Maar oo ku dhaw xuduuda saddex geesoodka ah ee u dhaxaysa Somaliland , ETHIOPIA iyo Djibouti .
Buulla-cado (maantasomaliland.com) – Wararka ka imanaya deegaan xeebeedka Buulla-cado oo ka tirsan gobolka Selal, ayaa sheegaya in jidaas ay ka soo degeen ciidamo hubaysan oo ka tirsan jabhada ONLF oo dagaal kula jirta dawlada ETHIOPIA. Ciidanka jabhada ONLF oo tiradooda lagu qiyaasay dhawr iyo soddon nin ayaa maanta goor dambe xeebtaaas […]
Hargeysa (maantasomaliland.com)- Guddida joogtadda ah ee Golaha guurtida Somaliland ayaa Maanta Kulan is xog waraysi ah la yeeshay Wafti Haween Xidhibaano Jabuutiyan ah, Kulankaasi ayaa ka dhacay Xarunta Golaha Guurtida ee Somaliland, waxana shir gudoominayay Gudoomiyaha ku xigeenka Golaha Guurtidda Somaliland Axmed sheikh Nuux Furre. diyaariye gudoomiyaha shabakada wararka ee maantasomaliland.com xuseen xarbi+sawirkii
diyaariye gudoomiyaha shabakada wararka ee maantasomaliland.com xuseen xarbi Hargeysa (maantasomaliland.com)- Guddida joogtadda ah ee Golaha guurtida Somaliland ayaa Maanta Kulan is xog waraysi ah la yeeshay Wafti Haween Xidhibaano Jabuutiyan ah, Kulankaasi ayaa ka dhacay Xarunta Golaha Guurtida ee Somaliland, waxana shir gudoominayay Gudoomiyaha ku xigeenka Golaha Guurtidda Somaliland Axmed sheikh Nuux Furre. diyaariye gudoomiyaha […]
Hanti-dhowra Guud ee Qaranka Somaliland Maxamuud Aw Cabdi Ismaaciil (Maxamuud dheere), ayaa markii ugu horeysay ka hadlay badhitaan maaliyadeed oo ay ka bilaabeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo dhawaan Agaasimihii hore ee xilka iska casilay ku eedeyey in laga lunsaday hanta badan.
Hargeysa (maantSomaliland.com)–Hanti-dhowra Guud ee Qaranka Somaliland Maxamuud Aw Cabdi Ismaaciil (Maxamuud dheere), ayaa markii ugu horeysay ka hadlay badhitaan maaliyadeed oo ay ka bilaabeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo dhawaan Agaasimihii hore ee xilka iska casilay ku eedeyey in laga lunsaday hanta badan. Hanti-dhowraha guud ee qaranka oo maanta u Xafiiskiisa Hargeysa ugu warramay […]
Weftigii Afarta Xildhibaan ahaa ee Haweenka ka socday Baarlamaanka dalka Jabuuti, oo ay hogaaminayso Marwo Caasha Maxamed Rooble ayaa maanta waxay kulan la yeesheen Golaha Guurtida jamhuuriyadda Somaaliland iyo Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Mudane Cabdi Dirir Cabdi.
Hargeysa (maantSomaliland.com)- Weftigii Afarta Xildhibaan ahaa ee Haweenka ka socday Baarlamaanka dalka Jabuuti, oo ay hogaaminayso Marwo Caasha Maxamed Rooble ayaa maanta waxay kulan la yeesheen Golaha Guurtida jamhuuriyadda Somaaliland iyo Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Mudane Cabdi Dirir Cabdi. Weftigan Baarlamaanka Dalka Jabuuti oo ugu kulan la qaatay Golaha guurtida waxa halkaasi waftiga xog-waran […]
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayay ayaa maanta gaadhay magaalada London ee dalka Britain, waxaana madaarka Heathrow Airport si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin iyo xubno badan oo ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadanka UK+sawir.
London (maantaSomaliland.com)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayay ayaa maanta gaadhay magaalada London ee dalka Britain, waxaana madaarka Heathrow Airport si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin iyo xubno badan oo ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadanka UK. Madaxweynaha waxa ku soo dhaweeyay saraakiil ka socday xafiiska […]
Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa shaaca ka qaaday inay Tallaabo adag ka qaadi doonaan Ganacsatada iyo maal-qabeenadda ay ku baaqdeen cashuuraha kala duwan ee ku waajibay hantidooda.
Maayarka Hargeysa oo Digniin iyo baaq u diray Ganacsatada ay ku baaqdaan cashuuruhu Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa shaaca ka qaaday inay Tallaabo adag ka qaadi doonaan Ganacsatada iyo maal-qabeenadda ay ku baaqdeen cashuuraha kala duwan ee ku waajibay hantidooda. Maayarka ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa waxa uu sidaasi […]
axweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa iyo wefti uu Hoggaaminayo ayaa maanta u kicitimay dalka Ingiriiska, waxaanay qadar ku sii hakan doonaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya+sawiradii madaxwaynaha . daawo
Hargeysa (maantaSomaliland.com)-axweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa iyo wefti uu Hoggaaminayo ayaa maanta u kicitimay dalka Ingiriiska, waxaanay qadar ku sii hakan doonaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud oo ka hor intii aanu dalka ka dhoofin warbaahinta ugu waramayay qolka nasashada ee madaarka caalamiga ah ee Hargeysa, […]