Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, ayaa sheegay in Somaliland ay kasbatay saaxiibo badan oo maalinta ay ku haboonaato ku dhawaaqi doona aqoonsiga Somaliland

‘Somaliland ma aha dal ka go’aya dal kale, balse waa dal dib uga baxay midaw fashilmay’

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay in Somaliland ay kasbatay saaxiibo badan oo maalinta ay ku haboonaato ku dhawaaqi doona aqoonsiga Somaliland.

Wasiirku wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi khaas ah oo uu siiyay shabakadda wararka ee Wardheernews munaasibaddii 20 guurada maalinta gooni isu taagga Somaliland. Waraysigaasi oo ku qoraa afka Ingiriisiga oo aan soo tarjunnay, isaga oo dhameystiran, waxa uu u dhacay sidan:
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ugu horayn la weydiiyey.
Tallaabooyinka waaweyn ee ay qaaday xukuumadda Somaliland ee madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu ku jawaabay. “Ka dib markii uu madaxweynihii hore awoodda ku wareejiyay madaxweyne Siilaanyo, waxa ay dawladda cusubi isla markiiba ku dhaqaaqday in ay wax ka qabato qaar badan oo ka mid ahaa carqaladii taagnaa.
Waxa ay si weyn ugu tallaabsatay in ay hagaajiso arrimihii dhaqaalaha iyada oo xidhiidho la samaynaysa beesha caalamka kuwooda aqbalay in ay dib u xoojiyaan taageeradooda Somaliland, iyada oo dhinaca kalena ka feejigan nabadda iyo deggaanshaha wixii faragelina ee ka imanaysa dibadda.
Wasiirka oo wax laga weydiiyay arrimaha aqoonsiga Somaliland waxa uu yidhi “Somaliland waxa ay gaadhay xaqiiqdii, nabadgelyo iyo degganaansho aan ka jirin gobolka iyo xitaa qaaradda Afrikaba. Aqoonsi Somaliland ka heshaa beesha caalamka waa ujeedada kama dambaysta ah ee siyaasadeeda arrimaha dibadda. Maadaama hadafku yahay sidaasi, Somaliland waxa ay dadaalkeeda ku guuleysatey in ay kasbato saaxiibo ugu danbaynta ku tallaabsada aqoonsiga marka ay u arkaan in la gaadhay wakhtigii ku habboonaa.
Dr. Cumar oo la weydiiyay sida uu uga jawaabo beyrta la sheego in ay dalalka Afrika ka qabaan gooni isu taagga, waxa uu yidhi “Somaliland ma aha dal ka go’aya dal kale, balse waxa ay tahay xaqiiqadii in Somaliland ay tahay mid go’aansatay in ay dib uga baxdo midaw fashilmay dhinac kasta oo la eegaba.
Marka la eego arrinta koonfurta Suudaan waxa ka dhalatay dawlad cusub, balse Somaliland waxa keliya oo ay dib uga noqotay xaaladdii ay iyadu ku tallaabsatay 1960-kii, iyada oo ku dhawaaqday xorriyadeedii lixdankii oo ku astaysan xuduudaheedii gumaysiga.
Shabakadda wardheer oo weydiisay wasiirka sida ay xukuumaddu u waajahayso arrinta bariga, waxa uu ku jawaabay:
“Ma jiro Afrika oo dhan xuduud keliya oo dib loo calaamadiyay. Waxaana midawga AFrika haystay mabda’a ah xuduudihii hore ee gumaysigii ka tegay oo aan midna lagu xadgudbin. Xitaa arrinta Suudaan xuduudka u dhexeeya koonfurta iyo waqooyiga Suudaan, waxa la sameeyay 1956-kii.
Su’aal kale oo ahayd in aftida iyo madaxbanaanida koonfurta Suudaan tusaale u noqon karto oo sidaa si la mid ah Somaliland ay isugu deyi karto in ay wadahadal kala yeelato xorriyadeeda koonfurta Soomaaliya, waxa uu yidhi,:
“Labada arrimood asaasiyan waa kala duwan yihiin; halka ay koonfurta Suudaan kaga go’ayso Suudaan heshiiskii Khartuum ee ka dhashay dagaal sokeeye oo galaaftay milyano. Balse Somaliland, waxa ay si dhamaystiran dib ugu noqotay meeqaamkeedii hore ee madaxbanaanida, waxayna dhisatay dawlad shaqaynaysa. Xitaa haddiiba ay dooni lahayd in ay kala hadasho Soomaaliya oo aanay ahaynba lagama maarmaan, ma jirto dawlad sharci ah oo shaqaynaysa Muqdisho oo lala hadli karaaba.
Dr Maxamed C/laahi oo shabakadda Wardheer weydiisay mawqifka Somaliland ka qabto warar sheegaya in dawladda faderaalka Sheekh Shariif ay daba joogto sidii ay u heli lahayd hantidii iyo lacagihii la fadhiisiyay ee ay lahayd Jamhuuriyadii Soomaaliyeed ee burburtey oo ay dooneyso in ay heshiis dhinac kelya ah in ay ku qaadato, waxa uu yidhi:
“Arrintaasi waa caddaan in ay tahay mid aan la aqbali karin, waxa jira dhab ahaantii laba dawladdood oo ay tahay waajib in loo tixgeliyo in ay yihiin kuwa dhaxlay ee ka dambeeyay xukuumaddii Soomaaliyeed ee burburtay. Wakhtigan xaadirka ah Somaliland waxa matala dawladda sida dimoqraadiga ah loo doortay ee madaxweyne Siilaanyo, halka ay Soomaaliya ka joogto TFG. Xaaladaha wakhtigan xaadirka ah jira awgood waa in aan aqbalaa in dib u qaybsiga hantidu dhacdo mar danbe.
Wasiirka Dr Cumar, mar uu ka jawaabayay sida ay Somaliland ula tacaalayso xaaladaha wakhtigan ee kooxaha ka dhanka ah, waxa uu yidhi;
“Waxa jira xoogag dibadda ah oo nasiib darradii ay ka mid yihiin xubno qurbbajoog ah oo wakhti dheer ka dhacsan ama ka lunsan xaqiiqada taalla Somaliland, kuwaasi oo isku dayaya in ay waxyeelaan nabada iyo degganaanshaha ka jira dalka. Waxayna taageero ka heleen dhinacyada koonfurta ee danaynaya, jeclaan lahaana in ay ku dhex tuuraan Somaliland qaska ay ku dhex jiraan. Ka dib 20 sanno oo jSomaliland soo jirtey horumarka ay Somaliland ka gaadhay dhismaha dawladeed, waxa ay leedahay awood ku filan oo ay ku waajahdo arrimaha noocan oo kale ah oo ah kuwo aan sidaa u sii ridnayn.
Sidii hore u dhacdayna waxa ay dawladdu dhagaysan doontaa wixii cabashooyin sharci ah ee ka yimaada kooxaha ha yaraadeen ama ha weynaadaane, waxayna si qoto dheer u raadinaysaa wixii xal ah, laakiin uma dulqaadan doonto nooc kasta oo dagaal iyo iska horimaad ah.
Shabakadda wararka ee Wardheer, waxa ay ugu dambayntii weydiisay wasiirka arrimaha dibadda waxa uu jeclaan lahaa in ay maalintan muhiimka ah ka gaadhsiiyaan shacbiga Somaliland, waxaanu ku jawaabay:
“Farriintu waa mid fudud: Somalilander ahaan, waxa aanu haysanaa sababo macquul ah oo aan ugu han weyn nahay guulaha aanu gaadhnay. Waxa aanu dib u dhisnay dalkayagii gebi ahaanba dhulka lala simay, waxa aanu samaysanny hayadihii dawliga ahaa oo shaqaynaya, waxaanan kasbanay ixtiraamkii dunida dibadda. Waxa aanu muujinay in aanay Soomaali ahayn kuwa aan awoodi karayn in ay is habeeyaan oo ay u wada noolaadaan si nabadgelyo ah.
Waxa aan leenahay samir iyo dulqaad aan kaga midho dhalinno aqoonsiga. Waxaanan samaynay dhaqdhaqaaqyo firfircoon oo aan u qaadnay jihada saxda ah, waanan sii wadi doonaa in aan sidaa yeelo.”
xuseen xarbi
maantasomaliland.com
hargaysa /office

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com