Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Boqor Cismaan Buurmadoow Ayaa Xukuumadda Ku Eedeeyey Inay Dhaqaalaha Sahaminta Shidaalka Ku Koobtay Beel Gaara

boormadawHargeysa(MSL) Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadoow), ayaa xukuumadda dusha u saaray inay mad madaw farabadana ku tilmaamay inay hadheynayaan qandaraasyada baadhitaanka shidaalka isla markaana ay tixgelin weyday dadka deegaanka, waxaanuu Boqorku sheegay inay dawladdu cid gaar ah ku naas nuujinayso Qandaraasyadaas.

Sidoo kale waxa uu Boqorku tibaaxay in dhaqaalaha ka soo xerooda shidaalka loogu talo galay inuu ku uruuro dad gaar ah oo aanuu qasnadda Dawladda gaadhin, waxaanuu ku baaqay in shacbiga iyo Golaha Sharci dagintaba si waadax ah loogu caddeeyo arimha shiidaalka islamarkaana dheeftiisa iyo dhibtiisaba la wadaago.

Boqor Cismaan waxa uu arintan ka dhawaajiyey mar uu u warramaayey laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, waxaanuu hadalkiisii ku bilaabay “Marka hore waxaanu u baahanahay intaan shidaalka la baaadh in deegaanka lagu sameeyo baadhitaan oo la eego in aanu nabaad guur ku dhicin.Waxaa kaloo loo baahan yahay in dawladu ay arinta shidaalka la socod siiso hay’ada arimahan daba galka ku samaysa ee UNDP la yidhaado, ta labaad waxaanu rabnaa in shacbiga Somaliland uu khayraadkaas wada yeesho inuu ardaa kaliyaata qaato ma rabno, waxaanan u baahanahay in ay shirkada shidaalku dhaqaalaha ay baxinayso ay soo bandhigto sida caalamiga ah, dawladuna ay baarlamaanka iyo shacabiga u soo bandhigto in dhaqaalahaasu uu ku dhaco qasnada dawlada waana in dadka deegaanku ay raali ka noqdaan oo lagu qanciyo. Dawladana ka hor iman mayno ee waa inay samaysaa waxyaabaha ay shacabku xaqa u leeyahiin iyada oo aan baarlamaanka,shacabka iyo dadkii deegaanka midna la qancin ayaa baadhitaaa layska bilaabay.”

Si kastaba ha ahaatee waxay dhawaan tagay deegaanka ay ka socoto hawsha sahaminta shiidaalka wasiiro ka socda Dawladda oo asal ahaan ka soo jeeda deegaankaas, iyaga oo u tagay bal inay isku dayaan dajinta xiisad la xidhiidha arinta Shiidaalka oo beryahanba ka taagneyd deegaankaas balse ay wasiiradu ku hungoobmeyn wax ka qabashadeeda.

Waxa kale oo uu Boqorku sheegay in loo sinnaado kheyraadka dalku leeyahay oo aan cid gaar ah loo dabrin, isagoo aritaas ka hadlaayana waxa uu yidhi “ Waxaanu u aragnaa hantidan oo ah mid umaddu ay leedahay in ay dawladu si reer ahaan ah ay u maamushay oo qandaraasyadii waxa la siiyay in reerkii ka mid ah reerkiina deegaanku kama wada dhaxeeyo, waxaanan aaminsanahay in lacagta shidaalkaasu gacanta dawlada aanay ku dhacayn ee ay shaqsiyaad gacantooda ku dhacayso.Waxaanu deegaan ahaan ogal nahay in qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland oo dhan inay khayaraadkaas wax ka helaan hadii khasaare ka dhacaayana laysla ogaado, laakiin waxaanu u aragna inay xukuumadu ardaa ku soo ururisay taasna waxaanu leenahay wax suurto gal ah maaha, hadii dawladu si qabyaaladaysan ay wax u baxisana waxay noqonaysaa dhulka waa la kala leeyahay iyo dooga soo baxay.”

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com