Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Fadhigii maanta ee Golaha Wakiiladda Somaliland oo uu gudoominayay Gudoomiyaha Aqalkaas mudane Cabdiraxamaan Maxamed Cabdilaahin (Cirro) ayaa Xildhibaanadu waxay dood kaga yeesheen xeerka takaaliifta horumarinta wadooyinka dalka

(msl)Fadhigii maanta ee Golaha Wakiiladda Somaliland oo uu gudoominayay Gudoomiyaha Aqalkaas mudane Cabdiraxamaan Maxamed Cabdilaahin (Cirro) ayaa Xildhibaanadu waxay dood kaga yeesheen xeerka takaaliifta horumarinta wadooyinka dalka, iyagoo maanta soo gabagabeeyay doodiisa oo maalmahan ay ku gudo jireen.

Mudanayaasha dooda ka qeyb qaadanayay oo ku kala aragti duwanaa dooda xeerkaaasi ayaa qaarkood soo jeediyeen in xeerkaasi uu yahay mid muhiim u ah oo kaalin ka geysanaya horumarinta wadooyinka dalka, waxaanay mudanayaashu gaar u tilmaameen in cashuurta laga dhimo ganacsatada dalka wax soo galisa, xoolaha nool iyo gaadiidka u kala goosha gobolada dalka, iyadoo la eegayo bulshada inteeda danyarta ah.
Mudanayaasha qaarkood ayaa iyana soo jeediyay in xeerkani muddo hal sano ah uu shaqeeyo iyadoo la saarayo cashuurta halka neef ee geela ah laba doolar , neefka lo’da ahna hal dolar iyo badh halka neefka Adhiga ahi uu noqon doono nus doolar.

xuseen xarbi

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com