Home » Entries posted by MaantaSomaliland (Page 31)

Xukuumadda Oo Ka Hadashay Dagaalkii Ka Dhacay Gambadha Iyo Maxaabiista laga Qabtay Huwantii Weerarka Soo Qaaday

Hargeysa (maantasomaliland) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay dagaalkii Axaddii ka dhacay deegaanka Gambadha oo Maleeshiyada Puntland iyo kooxda nabad diidka ah ee SSC oo garabsanayay ay soo weerareen ciidamada qaranka. Taliyaha oo shalay u waramayay Saxaafaddu waxa uu sheegay inay maleeshiyadii huwanta ahayd ee weerarka soo qaaday ay ka qabteen lix maxbuus. “Shalay (habeen […]

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa maanta ka hadashay imtixaanka si khalad ah dibada ugu baxay oo ah imtixaankii fasalada sadexaad ee dugsiyada sare.

(maantaSomaliland.com)-Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa maanta ka hadashay imtixaanka si khalad ah dibada ugu baxay oo ah imtixaankii fasalada sadexaad ee dugsiyada sare. Wasiirku oo maanta shir jaraa’id ku qabatay xafiiskeeda waxay si qoto dheer uga hadashay imtixaanka baxay iyo asbaabaha dhaliyay iyadoo arrintaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Waxa jira xafiis […]

Badhasaabka cusub ee gobolka Gabilay Cali Aw- Aadan Meecaad, ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Badhasaabkii hore ee Gobolkaasi Rashiid Cumar Sh. Muxumed oo Madaxweynaha Somaliland todobaadkii hore xilkii ka qaaday.

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Badhasaabka cusub ee gobolka Gabilay Cali Aw- Aadan Meecaad, ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Badhasaabkii hore ee Gobolkaasi Rashiid Cumar Sh. Muxumed oo Madaxweynaha Somaliland todobaadkii hore xilkii ka qaaday. Xafladii xil wareejinta ee labada Badhasaab oo lagu qabtay Huteelka Xaaji Askar ee Magaalada Gabilay waxa ka soo qeyb galay […]

Madaxa Ha’yada qaramada midoobay u qaabilsan nabadgelyada ee fadhigiisu yahay Magaalada Hargeysa iyo wefti uu Hoggaaminayay ayaa booqday magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool

Laascaanood (maantaSomaliland.com)-Madaxa Ha’yada qaramada midoobay u qaabilsan nabadgelyada ee fadhigiisu yahay Magaalada Hargeysa iyo wefti uu Hoggaaminayay ayaa booqday magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool halkaasi oo ay ugu kuurgalayeen in xaalada nabadgelyo ee gobolkaasi ay suurto gal ka dhigayso in Ha’yadaha qaramada midoobay ay ka shaqeyn karaan gobolkaasi iyo inkale. Badhasaabka Gobolka Sool Cabdilaahi […]

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in la buun buuniyay wax uu ku tilmaamay khilaaf hadheeyay masuuliyiinta xisbiga UCID.

Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in la buun buuniyay wax uu ku tilmaamay khilaaf hadheeyay masuuliyiinta xisbiga UCID. Guddoomiyuhu waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay khilaafka ba’n ee la sheegay inuu ka dhex aloosan yahay Hoggaanka xisbigaasi kaasi oo ka dhashay hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha xisbigaasi […]

Seyladaha Xoolaha Nool oo Dib U Habeyn Lagu Sameynayo

Seyladaha Xoolaha Nool oo Dib U Habeyn Lagu Sameynayo

Seyladaha Xoolaha Nool oo Dib U Habeyn Lagu Sameynayo Wasiirka Wasaaradda Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir iyo Duqa Caasimadda Injineer Xuseen M. Jiciir, ayaa maanta dhagaxii ugu horreeyey dhigay mashruuc dib u habeyn iyo xayndaab (deyr) lagu sameynayo Seyladda Xoolaha Nool lagu kala iibado ee magaalada Hargeysa. Mashruucan oo ah mid deyrar iyo hadhadh lagaga […]

Ballantaynu galnay ninkii ka baxow abeeso ku cuntay! Nuxurkii heshiiskii qaran iyo kulmiye

Ballantaynu galnay ninkii ka baxow abeeso ku cuntay! Nuxurkii heshiiskii qaran iyo kulmiye nimankii way iska seexdeen hase yeeshee markii habeenkii laba qeybood tagtey ayaa nin ka mida nimankii safarka ahaa toosey beribaa sadex nin safreen oo xeeb qabteen una raadsadeen qadhaab(midho) la yidhaahdo kullan haddaba nimankii safarka ahaa iyagaan gaadhin meeshii ay u socdeen […]

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Ka Soo Horjeedsaday Guddi Guddoomiyaha Golaha Dhexe een kulmiye shalay U Magacaabay Qaban-qaabada Shirka Golaha Dhexe.ee xisbiga kumiye

Hargeysa (maantasomaliland.com) – Sida uu baahiyey xalayTelefishanka caalamiga ah ee HCTV, Guddoomiyaha xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi ayaa ka soo horjeedsaday war-saxaafadeed shalay guddoomiyaha golaha dhexe soo saaray kaas oo uu ku sheegay inuu magacaabay guddida qaban-qaabada shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE. Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay […]

– Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa mar kale beesha ka dalbaday inay Somaliland siiso aqoonsiga ay xaqqa u leedahay.

Hargeysa (maantasomaliland.com) Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa mar kale beesha ka dalbaday inay Somaliland siiso aqoonsiga ay xaqqa u leedahay. Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo warkiisa ay qortay wakaalada wararka ee AFP, waxa uu sheegay in caqabada kali ah ee ka hor-taagnayd in Somaliland beesha caalamka aqoonsi buuxa ka hesho ay ahayd ururka […]

Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Madaxweyne Ku Xigeenkiisa

Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Madaxweyne Ku Xigeenkiisa Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa dhambaal tacsi ah u diray Madaxweyne Ku Xigeenkiisa Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo adeerkii Marxuum- Aadan Ismaaciil Shirre ku geeriyooday dalka Jabuuti 27-kii bishan May. Madaxweynuhu wuxuu dhambaalkiisa tacsida ah ku yidhi “Madaxweynaha […]

– Dufcadii ugu horreysay oo ka kooban shan arday oo deeq waxbarasho oo dibadeed oo caafimaadka xoolaha ah ka helay urur gobolleedka IGAD

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Dufcadii ugu horreysay oo ka kooban shan arday oo deeq waxbarasho oo dibadeed oo caafimaadka xoolaha ah ka helay urur gobolleedka IGAD, ayaa ka dhoofay maanta garoonka magaalada Hargeysa. Shantan ardey oo ka qallin-jebiyey kulliyada caafimaadka xoolaha ee Sheekh, ayaa u duulay dalka Ugandha, waxa halkaas ku sii sagootiyey Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, […]

Weftigii uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumaree Arbacadii Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulanka kula yeeshay Guddi ka tirsan Golaha Ammaanka iyo nabadgelyada ee qaramada midoobay ayaa maanta dalka ku soo laabtay. Kana waramay socdaalkoodii.

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Weftigii uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumaree Arbacadii Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulanka kula yeeshay Guddi ka tirsan Golaha Ammaanka iyo nabadgelyada ee qaramada midoobay ayaa maanta dalka ku soo laabtay. Kana waramay socdaalkoodii. Weftigan oo ay xubno ka ahaayeen Wasiirrada Gaashaan-dhiga, Macdanta iyo Biyaha, Shaqada iyo […]

Warning: Undefined variable $additional_loop in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/archive-default.php on line 10 Warning: Attempt to read property "max_num_pages" on null in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/archive-default.php on line 10
Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com