Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wayne Rooney Oo La Soo Diray Fariin Dil Ah

ROONEY(maantasomaliland):-Weeraryahanka kooxda Manchester United,Wayne Rooney ayaa lagu soo waramaya in loo soo diray fariin hanjanaad ah sida ay sheegtay jariirada Manchester Evening News.

Wayne Rooney ayaa loo sheegay in laga yaabo in uu waayo naftiisa mida xaaskiiaa Coleen iyo caruurtiisa Kai iyo Klay.

Qof loo maleynaayo in uu yahay taageeraha kooxda Manchester City ayaa Twitterka usoo dhigay laacibkaan in uu weyn doono nolasha reerkiisa mar aan dheereyn.

Lama oga sababta uu shaqsigaan ugu hanjabay Rooney madaama uusan soo raacin ujeedadiisa ,laakiin waxaa loo maleynaya in uu yahay taageero ka careysan goolkii uu Rooney ka dhaliyay Man City, Axadii iyo qaabka uu ula xafiiltamo mar walba.

Booliska magaalada Manchester ayaa sheegay in ay soo gaartay fariin sheegeysa in dil loogu hanjabay 27 jirka weerarka ugu ciyaaraya Man United waxaana ay sheegeen in ay ku raad joogaan .

“Waxaan helnay aqbaar sheegeysa in qof uu fariin usoo mariyay Twitter-ka uuna ugu han jabay in uu dili doono isaga iyo qoyskiisa , waxaan bilaawnay baaris gaar ah ,jawaabta dib ayaan ka bixin doonaa ayuu yiri afayeenka booliska Manchester.

Rooney ayaa United udhaliyay laad xor ah Axadii , inkastoo kooxdiisa laga badiyay hadana waxaa uu noqday ninka ugu goolasha badan kulanka Manchester Derby .

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com