Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Naadiga Inter Oo Wadada Guusha Cagta Saartay Kana Adkaatay Fiorentina

cambiasso-(maantasomaliland):-Kooxda kubadda cagta Intermilano ayaa dhabada guusha cagta saartay ka dib markii caawa ay garoonka Sansiro ku garaacday kooxda Fiorentina oo si wanaagsan sannadkaan isu soo dhistay aadna u adag.

Inter ayaa dib udagaalantay markii gool looga hormay ay laba gool ay ku badaleen ciyaaryahanada Esteban Cambiasso iyo Jonathan.

Jusepe Rossi oo rigoore lagu galay isla markaana gool u badalay ayaa Fiola u horseeday hogaanka ciyaarta balse Esteban Cambiasso gool qurux badan ku barbareeyey isagoo xitaa aanan u dabaal degin si uu gool kale u heleen maadaama waqtigu ku yaraa.

Laakin Alvarez karoos uu u habeeyey Jonathan ayaa dhalisay inuu goolkii guusha u saxiixo kooxdiisa Inter.

Labadaan naadi ayaa ciyaartan ka hor wada lahaa min 10 dhibcood iyadoo koox waliba ay doonaysay iney tiigsadaan kaalimaha hore maadama ay labada kooxba wali dhinacooda dhulka la dhigin.

Tababaraha Inter Walter Mazzarri ayaanan waxba ka badalin ciyaartooydii 11-ka uu kaga badiyey 7-0 kooxda Sassuolo oo xalay barbaro 1 – 1 lagashay kooxda Napoli.

Kooxda Fiorentina ee tababaraha ka yahay Montella ayaa caawa dhaawac kaga maqnaa Mario Gomez oo Bayern Munich ay kasoo iibsadeen, Juan Guillermo Cuadrado iyo David Pizarro oo ganaax ku maqnaa.

Fiorentina oo 12-kii kulan ee ugu danbeeyey aanan wax guul ah ka gaarin garoonka Sansiro tan iyo May 2000, ayaa caawa ku guuldaraysatay inaay guul ka keenaan garoonka Inter.

Labada kooxood waxaa ukala safnaa:

Inter: Handanovic; Campagnaro, Ranocchia, Juan Jesus; Jonathan (Pereira 85), Guarin (Icardi 67), Cambiasso, Taider (Kovacic 61), Nagatomo; Alvarez; Palacio

Fiorentina: Neto; Tomovic, Rodriguez, Savic, Pasqual (Alonso 36); Borja Valero, Ambrosini, Aquilani (Vecino 77); Joaquin, Mati Fernandez; Rossi (Ilicic 69)

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com