Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciyaaryahanka Torres : Jose Mourinho eex mayaqaano

torres293425-18ABA936000005DC-383_634x424(maantasomaliland):-Fernando Torres ayaan aaminsaneyn in tababaraha Chelsea Jose Mourinho uu janjeero Samuel Eto’o oo uu ka hormarinayo isaga ama Demba Ba.

Tan iyo intii uu yimid dhamaadkii bishii August, Eto’o ayaa u muuqday inuu yahay dooqa koowaad ee gooldhaliyaha Chelsea.

Laakiin Torres oo ku soo bilowday kulankii ay asbuucan ka badiyeen League Cup kooxda Swindon ayaa aaminsan inuu fursad cadaalad ah ka heli doono Mourinho.

“Waxaan heysanaa weeraryahano waa weyn, dhamaanteena waxaan dooneynaa inaan goolal dhalino. Waa wax fiican in boosas loo tartamo.

“Maya Mourinho eex ma yaqaano , sida ii muuqata wax walba waa tijaabo waana saxmi doonaan ,laakiin lama dhihi karo qof jacleysi.

Torres ayaa waxaa si aad ah u baadi goobaya saxiixiisa naadiga Barca, oo dhawaan sheegtay in ciyaaryahankaan ay ku soo celin doonaan horyaalka La Liga uu bari ka ahaan jiray ciyaaryahan aad u wanaagsan

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com