Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciyaaryahanka Juan Mata Oo Diyaar U Ah In Uu Udagaalamo Booskiisa Chelsea

juan-mata-short-hairstyles1(maantasomaliland):-Ciyaaryahanka uu mustaqbalkiisa muranka hareeyey ee Chelsea Juan Mata, ayaa maanta ka hadlay mustaqbalkiisa naadiga reer London.

Kubad abuuraha reer Spain Mata ayaa sheegay in haatan uu yahay mid ku qanacsan sii joogitaanka garoonka Stamford Bridge, ka gadaal markii uu asbuucan ka mid noqday xidigihii fursada u helay inay ciyaaraan kulankii ay 2-0 uga adkaadeen kooxda Swindon Town.

Mata ayaa maanta hadal xasaasi ah ka jeediyey xereda tababarka ee naadigiisa ee Cobham, isagoona sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay in uu ahaa ninka kaliya ay sida aadka u jeclaayeen dhamaan taageerayaasha The Blues

“Qof waliba hadii uusan indhaha iska xireyn wuu arki karaa wixii aan u soo qabtay labadii sano ee la soo dhaafay kooxa Chelsea” ayuu yiri Mata

“Xilligaan la joogo waxaan diyaar u ahay in aan u dagaal u galo booskeyga Chelsea aan ku lahaan jiray, taasna waxaa ii suura galin kara qaab ciyaareedkeyga uu qof waliba uu garanaayo” ayuu hadalkiisa ku sii daray laacibka Chelsea ee Juan

25-jirkaan reer Spain ee Juan Mata ayaa waxaa si aad ah u baadi goobaya kooxo fara badan oo ka dhisan qaarada Yurub oo ay ugu horeeyaan kooxaha:- Napoli, Juventus, PSG, Monaco, Arsenal, Tottenham, Man City, Barcelona iyo kuwa kale

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com