Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Tababaraha AC Milan Allegri Oo Guul Iclaamiyay

aleggri1(maantasomaliland):-Tababaraha AC Milan Massimiliano Allegri ayaa iclaamiyay dagaal ugu dambeyn Milan ay ku hantinayso guul marka ay la ciyaarayaan maanta kooxda Sampdoria.

Kooxda Diavolo ayaa ku bilaabatay xagaagan si heerkeedu hooseeyo, waxaana ay uruursatay kaliya shan dhibcood shantii kulan ee ugu horreeyay.

“Waa inaan si fiican yeelnaa inkastoo kulan adag aynu leennahay maanta, Delio Rossi waa tababare wanaagsan sidoo kale Sampdoria dib ayay ugu soo laabatay hannaan ciyaareed fiican, laakiin waa inaan guusha helnaa” ayuu yiri macallinka.

Milan ayaa waxaa ay hadda kaga jirtaa kala horreynta horyaalka Serie A booska 12-aad waxaana ay 10-dhibcood ka hooseysaa hoggaamiyaasha horyaalka ee Roma.

“Waan arki doonnaa kala sarreynta horyaalka xilliga Christmas-ka, fikirkayga waxaan tagi doonnaa boos ka duwan kan hadda, waxaa harsan wili kulammo badan hasayeeshee waa inaan ka fikirnaa midka maanta aynu leennahay ayuu yiri macallinka ay ka wareersan tahay sanadkan.

Mar macallinka wax laga weydiiyay ganaaxii Mario Balotelli ayuu diiday inuu ka hadlo isagoo yiri ”Waxaan u baahannahay inaan joojinno ka hadalka arrintaasi”.

Mario Balotelli ayaa ganaax saddex kulan ah dusha u dhigtay xili AC Milan ay dhiiqada dhextaal.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com