Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Liverpool Oo Dooneysa Javier Pastore Xili Uu Isna Doonayo Arsenal

Pastore(maantasomaliland):-Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramaya in ay dooneyso saxiixa xidiga khadka dhexe ee kooxda Paris Saint-Germain ,r Javier Pastore.

Pastore ayaa usaxiixay kooxda Ligue 1 –ka sanadkii 2011, waxaana uu ka caawiyay in ay qaadaan horyaalka 19 sano kadib .

Jariirada The Metro, ayaa sheegtay in 24 jirka wadanka Argentina uusan fadhin mustaqbalkiisa magaalada Paris waxaana uu door bidaya in uu aado England.

Kooxda Liverpool ayaa aaminsan in ay laacibkan ku heli karaan qiimo dhexe waxaase wararka ka imaanaya Paris ay sheegayan in laacibkaan uu doonaayo in uu aado dhanka kooxda Arsenal.

Wakiilka xidigan ayaa laga soo xigtay “Pastore waxaa uu doonaya in uu aado Arsenal”

Javier Pastore ayaa waxaa sidoo kale doonaya kooxaha wadanka Talyaaniga xili uu waqti fiican horey ugu soo qaatay kooxda Palermo.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com