Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Daafaca Agger Oo Diyaar U Ah Kulanka Liverpool Iyo Sunderland

Liverpool-s-Daniel-Agger_2809308(maantasomaliland):-Daafaca dambe ee kooxda Liverpool Daniel Agger ayaa lagu soo waramayaa inuu ku soo laabtay tababarka kooxdiisa Reds

Andrew Powell oo ah saxafi reer Britain ah ayaa sheegay in Agger uu diyaar yahay kulanka maalinta bari ah ay kooxdiisa la ciyaari doonto kooxda macalin la’aanta ah ee Sunderland.

Agger ayaa lagu waday inuu ciyaaro kulankii todobaadkii aynu soo dhaafnay ay kooxdiisa la ciyaartay Man Utd, kulan ka tirsanaa koobka League Cup-ka markaas oo 1-0 looga adkaaday kooxda Liverpool.

Macalinka Reds Brendan Rodgers, ayaa u sheegay Bogga kooxda Liverpool in Agger uu safka hore ka soo muuqan doono kulanka maalinta bari ah ay la ciyaari donaan dhigooda Sunderland.

Brendan Rodgers ayaa sidoo kale sheegay in kooxdiisa ay wali dhaawacyo ka qabaan ciyaaryahanada kala ah Glen Johnson, Joe Allen iyo Philippe Coutinho.

“Daniel Agger hada waa mid caafimaadkiisu yahay 100%, waxa uuna isku diyaarinayaa kulanka aan ka hor tagi doono bari kooxda Sundreland” ayaa lagu yiri hadal qoraal ah oo la soo dhigay Bogga Kooxda Liverpool.com.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com