Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Thibaut Courtois oo ku kalsoon in ay garaaci karaan Real Madrid

goolhaye(maantasomaliland):-Ka hor kulanka Derby Madrid goolhayaha amaahda uga maqan Chelsea ee hadda goolka u ilaaliya Atletic Madrid Thibaut Courtois ayaa ka hadlay guuldarrana u sadaaliyay Real Madrid.

Thibaut Courtois ayaa rumeysan inay guuldarro lama filaan ah ay Real Madrid dusha u saari karaan kulanka maanta.

Isagoo la hadlayay Marca Courtois ayaa ka shanqariyay ”Waxaan nahay koox weyn, waan garanaynaa sida loo garaaco iyaga”.

Ciyaaryahankan ayaa tilmaamay saddexda dhibcood ee kulanka Derby Madrid inay ka dhigan tahay sida kulan kama dambeys ah oo kale.

“Ka ciyaaryahan ahaan uma ciyaareysaysid inaad barbaro sameyso, balse waxaad u ciyaartaa mar walba guusha”.

Markii ugu dambeysay ee kooxahan ay kulmaan ayaa waxa ay ahayd Final-kii Copa Del Rey markaas oo Real Madrid laga adkaaday.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com