Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciyaaryahanka Alonso Oo Ku Soo Laabtay Tababarka Real Madrid Mudo Kadib

Xabi-alonso(maantasomaliland):-Laacibka khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ayaa dib ugu soo laabatay maanta tababarka kooxdiisa Madrid.

Alonso ayaa waqtiyadii dambe waxa uu naadiga Los Blancos uu uga maqnaa dhaawcyo soo gaaray, isagoona wali ka soo muuqan kooxda Madrid, tan iyo markii uu bilawday horyaalka La Liga.

Dhakhaatiirta caafimaadka ee naadiga Real ayaa sheegay in xaalada Xabi Alonso ay tahay mid aad u wanaagsan, walow uusan qeyb ka aheyb kulanka Derbiga ee kooxdiisa caawa la ciyaari doonto dariskooda Atletico Madrid.

Aad ayaa ugu farxsanahay in aan mar kale ku soo laabto garoomada mudo badan kadib” ayuu yiri laacibka reer Spain ee Xabi Alonso.

Alonso ayaa maanta qaatay tababar illaa iyo 90-daqiiqa ah oo isugu jira jimicsi iyo waliba orodka, sida ay sheegeen dhakhaatiirta caafimaadka u qaabilsan naadiga Real Madrid.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com