Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wilshere Oo Gabar U dhalatay

Wilshire(maantasomaliland):-Xidiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal iyo xulka England Jack Wilshere ayaa shaaciyay in gabar cusub ay ku soo biirtay qoyskiisa.

Gabadha cusub ee loo dhalay Jack Wilshere ayaa loo bixiyay Delilah Grace sida uu ku shaaciyay bogiisa Twitter-ka .

21 jirkaan oo horey uheystay wiilka la yiraahdo Archie ayaa sheegay in saaxibtiis Lauren Neal ay ugu deeqday ama udhashay gabar saacadihii hore ee subixii khamiista.

“woow ma qeexi karo , Delilah Grace Wilshere ku soo dhowaaw aduunkan baaxada weyn aabe nasiib wacan ayuu Jack Wilsher ku soo qoray bogiisa .

Wilsher saaxibtiis Lauren Neal ayaa iyaduna bogeeda ku sheegtay in gabadhooda cusub ay aduunka timid xili uu farxad ku jiro Wilsher.

“Delilah Grace waxaa ay aduunka timid xili uu Jack faraxsan yahay maxaa yeelay maalmahan Arsenal si fiican ayey uciyaartay ayey Twitter-ka ku tiri Lauren Neal.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com