Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Tababaraha Arsene Wenger: Koox Walba Ayuu Ufaran Yahay Horyaalka

Arsene Wenger(maantasomaliland):-Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger oo ah hoggaamiyaha horyaalka Ingiriiska ayaa ku laabtay ka hadalka cidda uu dhexyaallo sanadkan loollanka Premier league.

Arsene Wenger ayaa aaminsan in koox walba uu u furan yahay tartanka bilowga ah isagoo sidoo kalena qeybtooda siiyay kooxaha Liverpool iyo Tottenham inay u tartami karaan Premier league.

Gunners ayaa muddo kaddib waqtiga uu siiyay inay hoggaanka qabtaan inkastoo ay dhibic wadaag la yihiin kooxda waqooyiga London ee Spurs, kuwaas oo wali aan dhinacooda dhulka la dhigin ilaa todobaadkii u dambeeyay.

Mar wax laga weydiiyey Wenger cidda uu tartanka kala dhaxeeyo kooxdiisa ayuu ku hormaray inuu u dagaali doono booskiisa hore ee hoggaanka, waxaana uu daba dhigay ”Afarta sare ee kooxihii sanadkii hore oo lagu daray Liverpool iyo Tottenham dhammaan intaa oo dhan mid kasta waqti xaadirkaan waa ay ka qeyb gali karaan tartanka socda”.

Laakiin macallinka reer France ayaa farta ku fiiqay in kooxaha Manchester United, Chelsea iyo Manchester City ay yihiin kooxo sii dagaali doon ilaa dhammaadka xili ciyaareedka.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com