Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maamulka Jaamacadda Timacadde oo 3 todobaad Dib u dhigay Xafladii Qalinjabinta Dufcada Koowaad ka dib markii Madaxweynuhu Codsaday Arintaasi.

(MSL) Kulan Balaadhan oo Dhexmarey Maamulka Jaamacada Tima-ade iyo Ardeyda Sanadkan Ka Qalinjabineysa Jaamacada Iyo maamulka heer Degmo ee Gabiley Oo Lagu Go,aamiyey Ina Xaflada Qalinjabinta Saddex Todobaad Dib Loo Dhigo, maadaama uu madaxweynaha Somaliland Axmed maxamed maxamuud siilaanyo uu socdaal ka dis ah oo danta qaranka ugu baxay dalka dibadiisa soona codsadey ina saddex Todobaad dib loo dhigo.

Kulanka wada Tashadiga ah ee laga arinsanayey xiliga la qabanyo xaflada qalinjabinta ayaa ka dhacay hoolka jaamacada Tima-ade, waxaan kasoo qayb galey Gudoomiyaha jaamacada DR cismaan aw yuusuf magan, Gudoomiye ku xigeenka DR c/laahi cumar cige, Dhiinka jaamacada Prof maxamuud ogaadeen, Maayerka degmada gabiley shucayb maxamed muuse, Taliyaha saldhiga dhexe ee gabiley c/salable, macalimiinta jaamacada, Ardeyda sanadkan qalinjabineysa iyo ardayda dhigta Kuliyadaha kala duwan ee jaamacada.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka Hadley gudoomiyaha jaamacda Tima-ade university DR cismaan aw yuusuf magan waxaanu ardeyda ku bogaadiyey sida wanaagsan ee ay uso dhamaysteen waxbarashadoodii, waxaanu ardeyda usoo bandhigey laba arimood, waxaanu yidhi” waxaanu idiinku yeedhaney oon talo ahaan kusoo jeedinayaa ina mudadaaa sadex todobaad ah dib loo dhigo, oo aynu sugno soo noqodka madaxweynaha maadaam ay ducadii ugu horeysay ay jaamacada ka baxayso,Maadaam aad tihiin ardeyda sanadkan ka qalinjabineysa jaamacada inaanu idinkala tashano inaanu xafladii qalinjabinta qabsano iyo inaynu sugno madaxweynaha madaam uu socdaal ka dis ah oo danta qaranka ugu baxay dalka dibadiisa soona codsadey ina sadex Todobaad dib loo dhigo.,hadii aanu nahay maamulka jaamacada waxaanu ku dadaalyaa oo aan albaab walba u garaacayaa sidii ay ardeydaa sanadka qalinjabineysaa ay shaqo u heli lahayd,Runtii anaga haba dhulka nagama yaalaan hadii aad tidhaah daan bari hala qabto waanu qabaneynaa, idinka ayey idinku xidhan tahay go,aanka aad gaadhaan , ilaahayna cilmigaa barateen ha idinku anfaco, dalkiina iyo dadkiiba ku anafaca ilaahay ha idinka dhigo.” Ayuu yidhi gudoomiyaha jaamacadu
Dhiinka Jaamacada Prof maxamuud ogaadeen oo halkaasi hadalkooban ka soo jeediyey ayaa ardeyda kula dardaarmey inamuujiyaan karti iyo dadaal dheeraad ah oo ay kaga duwanaadaan ardeyda kale ee jaamacadaha dalka, waxaanu ardeyda sanadkan ka baxdey dugsiyada sare kula dardaarmey inay jaaamacadooda soo galaan oo ay wali sidiwaan galintii socoto.
Maayerka degmada gabiley shucayba maxamed muuse oo halkaasi ka Hadley ayaa sheegey inuu aad ugu faraxsanayahay dufcadii ugu horeysay ee jaamacada ka baxada, waxaanu ardeyda ugu duceeyey inay dalkooda anfacaan waxaanu yidhi “ Horta maanta aad ayaan u faraxsanahay mar hadii dufcadii koowaad ee jaamacadu ay baxayso bishan, runtii waxaan jeclaam inaan ka mdi noqdo laakiin waan kayara saaqidey oo beerkale ayaan beerayey oo ii baxdey, waxaan aadu usoo dhaweynayaa go,aanka ardeydu inay ku gaadheen inay soo noqodka madaxweynaha ay sugaan, anaguna waxaan diyaarineynaa soo dhaweyntii madaxweynaha lagu qaabili lahaa.”ayuu yidhi
Gabogabadii waxaa ardeydi iyo maamulka jaamacadu isla qaateen in mudadaa saddex todobaad ah dib loo dhigo, oo la sugo soo noqodka madaxweynaha maadaam ay dufcadii ugu horeysay ay jaamacada sanadkani ka baxayso, ardyeda sanadkani ka baxaysa jaamacada ayaa ka kooban 100 ardey oo isugu jira kuliyadaha kala duwan ee jaamacadaasi,waxaana si weyn looga dareemayaa magaalada gabiley diyaar garowga xaflada qalinjabinta
XUSEEN XARBI

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com