Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho :Casaanka waxaa mudnaa Jan Vertonghen waa lagu qaldamay Fernando Torres

josemourinho(maantasomaliland):-Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa sheegay in uu qalad ahaa casaankii la siiyay Fernando Torres kaas oo laga saaray kulankii Chelea iyo Tottenham.

The Blues ayaa 10 nin ku dhameystay markii garsoore Mike Dean uu casan utaagay Fernando Torres dhamaadkii ciyaarta laakiin Mou ayaa ku dooday in Jan Vertonghen uu lahaa casaanka.

“Waxaan umaleyna in aheyd natiijo wanaagsan ayuu Mou usheegay BT Sport.

“Iyagu waa naga wanaagsanayeen qeybtii hore laakiin ma aaney abuurin fursado badan waxaana ay nagu hogaamiyeen 1-0.

“Qeybtii labaad waxaa noqonay halkoox aad ayaana uxooganeyn, laakiin kadib garsooraha ayaa sameeyay qalad weyn dhinaca kalana ubadalay natiijada ciyaarta .

“Torres malaheyn casaan qof walba waa arki kartay in Vertonghen uu qaladka laha ,malaha garsooruhu wuu ku qaldamay Torres ayuu yiri Mou.

Chelsea iyo Tottenham ayaa ku kala baxay 1-1.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com