Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wax walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Kulanka Caawa Ee Sunderland VS Liverpool

sunderland-v-liverpool-490x281(maantasomaliland):-Liverpool oo dooneysa in ay ka soo kasoo kabsato labo guul daro oo xiriir ah oo ay kala kulantay Southampton iyo Manchester United ayaa usafri doonta Sunderland.

Garoonka: Stadium of Light

Garsooraha: Howard Webb

Saacada bariga afrika: 6:00 maqribnimo

Daafacyada Wes Brown iyo Phil Bardsley ayaa labaduba dhaawac kaga maqnaan doona kooxda Sunderland.

Weeraryahankooda Steven Fletcher ayaa isna laga yaabaa in uu seego ciyaartan taas oo ka dhigan in uu weerarka ku soo bilaaban doono Jozy Altidore.

Andrea Dossena ayuu caafimaadkisu shaki ku jiraa laakiin hadii uu ciyaaro waxaa uu wajihi doonaa kooxdiisii hore ee Liverpool.

Suarez ayaa ciyaari doona kulankiisii koowaad ee Premier League tan iyo qaniiyadii daafaca Chelsea , Branislav Ivanovic.

Kabtan ku xigeenka Liverpool Daniel Agger oo seegay ciyaartii Liverpool iyo Man United ee Arbacadii ayaa shaki laga galinaya kulankan halka Johnson, Aly Cissokho iyo Sebastian Coates ay dhamaan dhawacyo ku maqnaan doonaan.

Philippe Coutinho ayaa sidoo kale seegi doona ciyaartan kaas oo dhowaan qaliin lagu sameeyay

Xaqiiqooyinka kulanka

Goolhayaha kooxda Liverpool ayaa dib ugu laabanaya markii ugu horeysay kooxdiisii hore ee Sunderland.

Black Cats ayaa shaqada ka erisay Paolo Di Canio asbuucii la soo dhaafay waxaana si ku meel gaar ah kooxda uhaya Kevin Ball.

Fabio Borini ayaan ciyaari karin kulan sharci ahaan.

Paolo Di Canio ayaa si hoose ku bilaawday xagaagan waxaana uu keenay hal dhibic shantii kulan ee ugu horeysay horyaalka taas oo keentay in shaqada laga eryo.

Sunderland ayaa adkaatay kulankii Capital One Cup –ka asbuucii la soo dhaafay iyagoo 2-0 ku dhaafay kooxda Peterborough United.

Xidigaha labada koox ee laga yaabo in lagu soo bilaabo

Sunderland: Westwood, Celustka, Colback, O’Shea, Cuellar; Johnson, Larsson, Cattermole, Ki; Giaccherini, Altidore

Liverpool: Mignolet; Toure, Agger, Skrtel, Enrique; Lucas, Gerrard, Henderson; Moses, Sturridge, Suarez

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com