Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Tababaraha Kooxda Manchester United Moyes :West Bromwich Albion Waa Uqalantay in ay ku badiso Old Trafford

Moyes(maantasomaliland):-Tababaraha kooxda Manchester United,David Moyes ayaa sheegay in kooxda West Bromwich Albion ay uqalantay in ay ku adkaato garoonka Old Trafford.

Kooxda Baggies lagu naaneyso ayaa 2-1 kaga badisay United waxaana ay aheyd guushoodii ugu horeysay oo ay ka gaaraan United tan iyo bilawgii magaca Premier Leeague .

Tababare David Moyes ayaa ayaa qiray in kooxdiisu ay liidatay 90-kii daqiiqo ee ciyaarta ,waxaana uu ugu baaqay in ay hurdada ka toosaan xidigihiisa.

“Waxaan aheyn kuwa liita bilawgii ilaa dhamaadkii ayuu Moyes usheegay BBC Radio 5 Live .

“Sidii koox yar ayaan uciyaarnay dhamaan waan hurudnay ,oradkeena iyo baaskeenu naguma filneyn si aan ubadino.

“Bilawgii waxaan abuurnay fursado badan laakiin ugama faa’iideysan sidii loo baahnaa ,mar walba waxaan qiri karaa in ay uqalmeen in ay badiyaan .

“Qaabkaan waa qaab liita ,waxaan ubaahanahay in aan toosno, waan naqanaa taariiqdeena iyo micnaha ciyaar walba oo nagala badiyo.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Manchester United ay badisay 1 kulan sadex jeer oo ay gurigeeda ku ciyaartay xagaagan Premier League .

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com