Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Real Madrid Oo €35-ilaa 40milion U Isticmaali Doonta Mario Mandzukic

Mario Mandzukic(maantasomaliland):-Kooxda Real Madrid ee wadanka Spain ayaa lagu soo waramaya in €35 milion ilaa 40milion ay u isticmaali doonto saxiixa weeraryahanka kooxda Bayer Munich , Mario Mandzukic xagaaga soo aadan.

Tv-iiga Spain lga lee yahay ee Punto Pelota ayaa ka soo xigtay qoraaga weyn ee François Gallardo in Madrid ay xidigaan ku iibsan doonto €35 milion ilaa 40milion bisha janaayo.

Ssaxafigaan oo ah nin aad uyaqana sportiga gudaha Spain ayaa ah saxafigii sadaaliyay in Gareth Bale uu 2013-ka ku biirayo Real Madrid tiiyoo dhacday.

Los Blancos ayaa aaminsan in Bayer Munich ay ku qanci karto qiimahaas.

Madaxweynaha Real Madrid , Florentino Perez ayaa sheegay dhowaan in kooxdiisu ay magacyo waa weyn la imaan doonto bisha Janaayo.

Warbaahinta gudaha ayaa aaminsan in Madrid ubaahan tahay weeraryahan cusub madaama ay iska iibiyeen Huguian uuna Benzama ku dhacay in uu gool dhaliyo.

Mandzukic ayaa ka walaacsan mustaqbalkiisa Bayer Munich kadib markii dhowaan Robert Lewandowski uu shaaciyay in uu bisha Janaayo ku biiri doono Bayer Munich.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com