Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Messi Ayaa Hada Ka Goolal Badan Xidig Walba Oo Soo maray Taariiqda Real Madrid

messi-0-1622770D000005DC-128_634x3872(maantasomaliland):-Xidiga aduunka iyo kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa caawa noqday mid ka goolal badan xidig walba oo uciyaaray kooxda ay xafiiltamaaan ee Real Madrid taariiqda.

Xidiga Argentina ayaa goolkii uu Taladadii la soo dhaafay ka dhaliyay kooxda Real Sociedad waxaa uu kula sinmay ninka ugu goolasha badan taariiqda kooxda Real Madrid ee Raul kaas oo dhaliyay 323 gool dhamaan tartamada.

Goolkii uu caawa ka dhaliyay Almeria ayaa ka dhigan in uu Messi dhaafay Raul.

Messi hada waxaa uu dhaliyay 324 gool dhamaan tartamada kadib markii uu Barcelona uciyaaray 388 kulan ogow wali waa 26 jir.

Raul ayaa 16 xili ciyaareed oo ku sugnaa Santiago Bernabeu waxaa uu saftay Real 741 kulan waxaana uu dhaliyay 323 gool halka Messi uu 10 xili ciyaareed ka tirsan yahay Barca waxaana uu dhaliyay 324 gool.

Messi ayaa sidoo kale ku sii dhowanaya in uu Raul ka jabiyo rikoorka ninka ugu goolasha badan Champions League waxaana uu Messi lee yahay 62 gool halka Raul uu lee yahay 71 gool.

Messi ayaa caawa dhawac looga saaray kulankii Barca iyo Almeria.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com