Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

-SIDA WARYAHAYAGA MAANTASOMALILAND EE KU SUGANMAGAALADA CEERIGAABO SOOSHEEGAYO WAXA Hal oo Askari Boliis ah ayaa duhurnimadii maanta ku geeriyoodey Degaanka Ximan-gareen oo qiyaastii 20-km jahada bari ka xigta magaalada Ceerigaabo

(maantasomaliland):-SIDA WARYAHAYAGA MAANTASOMALILAND EE KU SUGANMAGAALADA CEERIGAABO SOOSHEEGAYO WAXA Hal oo Askari Boliis ah ayaa duhurnimadii maanta ku geeriyoodey Degaanka Ximan-gareen oo qiyaastii 20-km jahada bari ka xigta magaalada Ceerigaabo kaddib markii sida la sheegay uu meel u galay nin boliisku doonayeen in ay soo qabtaan oo laga soo dacwoodey.

Boliiska ayaa gacan ku dhiiglihii “Ninka boliisku doonayeen inay soo qabtaan ayaa dhexda u galay ciidanka waxana halkaas ku geeryoodey hal askari gacan ku-dhiiglihiina waa la qabtay”. Sidaas waxa yidhi Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Muxummad Geelle (Dacar) oo aannu arrintan wax ka weydiinney

Badhasaabku Waxa uu intaas kusii daray “Ninkan waa laga soo dacwoodey waxayna boliisku u socdeen in ay meesha soo eegaan mana jirto cid dhaawacantay oo ilaa hadda taliyaha qaybtu Ii sheegay”. Inkastoo badhasaabka Sanaag sheegay in aanu ogayn wax dhaawac ah haddana wararka kale ee bulshada kazoo yeedhaya ayaa sheegaya inuu jiro askari kale oo boliiska ka dhaawacmay.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com