Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xawaaladda Qaran Oo Ka Hadashay Adeega Ay Qabato Iyo Qorshaheeda Cusub

Hargaysa (maantasomaliland)- Madaxa suuq gaynta Xawaaladda Qaran Express Cabdillaahi Jaamac Muuse ayaa sheegay in ay qorshaynayaan sidii ay shirkaddani isug bedeli lahayd Baan Caalami ah oo la mid ah kuwa caalamka ka jira isla markaana buuxiya dhamaan shuruudaha iyo adeegyada Baananka.

Cabdillaai Jaamac Muuse waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi aanu kula yeelanay bogga ganacsiga ee shabakda wararka ee maanta somaliland uga waramay Ugu horayna waxaanu waydiinay in uu faahfaahin naga siiyo wakhtigii la asaasay shirkaddan, waxaanu ku jawaabay “Waxa la asaasay shirkada Qaran sanadkii 2005-tii, waana shirkad xawaaladeed oo ka mida shirkadaha caalamka ka shaqeeya ee lacagaha caalamka u kala gudbiya. Markaa ujeedada loo asaasayna waxa weeyey ganacsi, maadaama ay bulshadeena qayb badan oo ka mid ahi ay ku dhaqan yiin daafaha dunida oo ay qurbo joog yihiin, xidhiidh wanaagsanna ay la leeyihiin dalka oo ay ka qayb qaataan horumarinta dalkooda isla markaasina ay ehelooyinkoodana ay lacago u soo diraan qayb badan oo bulshada ka mid ahi ama %50 ay noloshoodu ku tiirsan tahay inay masaariifta ama biilasha ka helaan lacagaha laga soo xawilo dibadaha.

Sidaa darteed ujeedada shirkada loo asaasay waxay ahayd inay u adeegto una shaqayso ummadda oo la helo adeega noocasi ah ee howl fududeynta ah, lacagahana la isugu gudbinayo.”

Cabdillaahi Jaamac Muuse Mar uu ka jawaabayey su’aal la xidhiidhay noocyada Adeegyada ay bulshada u qabtaan waxuu yidhi “Horta shirkada Qaran adeegyo badan ayey umada reer Somaliland u qabtaa, laakiin haddii aan soo qaato labada ugu mihiimsan ama ay caanka ku tahay waa laba qaybood, waxaanay kala yihiin mida ay ka ganacsato oo uu ku salaysan yahay ganacsigeedu oo ah habka lacagaha la isugu xawilo ama dibad ha laga soo diro ama gudo ha laga soo diro shanta qaaradood ee dunida meesha la doono ha laga soo xawilo in lagu bixiyo wadanka gudihiisa ama in wadanka gudihiisa somaliland laga diro oo loo xawilo oo dhamaan loo wada diri karo meel kastoo caalamka ka mida iyo sidoo kale in ganacsatada reer Somaliland qudhooda loo waaridi karo lacagtooda meel kastoo ay u baahdaan in loogu diro.

Gudoomiyah Mar la waydiiyey su’aal la xiidhiidha bal iney shirkad ahaan iyagu dalka dib wax ugu celiyaan waxa uu tilmaamay. “Shirkada Qaran mar walba waxay heegan u tahay inay ka qayb qaadato horumarinta dalka iyo dadkaba waxaanu door wayn ka ciyaarnaa taakulada iyo caawimooyinka dalkayaga hadii ay tahay caafimaadka ama hadii ay tahay waxbarashada iyo hadii ay tahayba dhinaca wadooyinka. sidoo kale waxay shirkadu door mug leh kaga jirtaa waxyaabaha loo yaqaano (SoicalLife) horumarinta arimaha bulshada.”

Maamulaha suuq gaynta ee Shirkada Xawaalada Qaran Cabdillaali Jaamac Muuse Mar uu ka jawaabayay su’aal nuxurkeedu ahaa himilooyinka ganacsi ee mustaqbalka u qorshaysay shirkadda Qaran waxuu yidhi ”Xawaalad ahaan himilooyinka aanu hiigsanayno waxa ka mida kolay inaanu kobcino oo aanu horumarino kaalinta aanu bulshada kaga jiro oo ah qaybta xawilaada lacagaha kala gadisan ee aanu u kala waaridno daafaha dunida iyo in anagu Xawaalad ahaan aanu ganacsigayaga iyo adeegayagaba ku samayno horumarin casriya oo aanu maalinba maalinta ka dambeysa aanu sii wayneyno isla markaasina la talaabsano hadba halka ay marayso tignoolajiyada dunidu lana jaan qaadno hadba wixii ku soo kordha guud ahaan caalamka.

Waxaan doonaya inaan tilmaalo shirkada Qaran Express (2005) markii ay shaqada bilawday waxay ahayd shirkadii u horeysay ee wadanka Somaliland ka hirgalisa ama ka bilawda Adeega loo yaqaan online system oo loo adeegsado Aalada internetka. Runtiina waxay shirkada Qaran Express bulshada dhexdeeda kaga heshay magac iyo sumacad wayn, shacbigii iyo dadwaynihii ay u adeegayseyna waxay dhexdoodii ka sameysay hawl fududeyn balaadhan, imika shiradaha oo dhami way wada adeegsadaan systamkan(onlineka). laakiin shirkada Qaran Express waxay iyadu ahayd shirkadii u horeysay ee lacag ku dirta- onlineka. waxa kaloo ay shirkada Qaran Express noqotay shirkadii u horeysey ee sannadkan aynu ku jirno (2011ka) adeegsatay adeega ZAAD. iyadoo lacagta dibada laga soo diro la marinayo qofka mobile -kiisa kuna soo dhacayso si toosa, taas oo aanu arintaa iska wada kaashanay shirkadda TELESO, runtii waxa cusbaa (2005tii) adeega onlineka,imikoo ay tahay 2011kiina waxa cusub adeega Zaad, taana waxaynu odhan karnaa waa hab casri ah oo soo kordhay lana jaan qaadaya horumarka ay dunidu gaadhay sanadka dambana waxa laga yaaba iney kuwo kale oo cusubi soo biiran.anaga shirkad ahaana waxa mar walba noo magaca inaanu hadba bulshada aanu u keeno adeegyadii u dambeeyey. waxa sidoo kale ka mida himilooyinkayaga in aanu shirkadda u bedelno BAANK CAALAMIYA. marka ay xukuumada Somaliland ay buuxiso shuruudaha iyo qawaaninta caalamka u yaala.

Mar la waydiiyey su’aal ahayd bal inay noo sheegaan kaalinta ay kaga jiraan shaqa abuurista bulshada Somaliland,waxa uu yidhi.”runtii shirkada Qaran Express waxay kaalin mihiima oo muuqata ayey kaga jirataa dhinacaa aad tilmaantay ee shaqa abuurista bulshada,sida aynu la wada soconana shaqa la’aantu waa mushkilada ugu wayn ee dalkeena ka jira ama bulshadeena haysta,markaa shirkad waliba horta intay leegtay ayey ku xidhan tahay shaqaalaha ay qaadaneysaa maxaa yeelay somalidu waxay ku maahmaahdaa togba taagtii ayuu rogmadaa markaa shirkad kastaaba taagteeda qaadaneysaa,mid 20)qaadata mid 100)shaqaalaysa iyo 100 qof qortaba midiba intey awoodo iyo adeega ay qabato ayey ku xidhantahay markaa anagu qaran ahaan waxaanu nahay shirkadaha kaalinta wayn kaga jira shaqo abuurista.

Mar Gudoomiyaha la waydiiyey su’aal nuxurkeedu ahaa inuu noo sheego inta gobo lee ay ka hawl gasho shirkadooda Qaran Express waxa uu sheegay.”runtii shirkada Qaran Express waxay ka hawl gashaa dhammaan gobolada somliland iyo tuulooyinkoodoo dhan waanu ka wada shaqeeyaa adeegayagu ilaa lawyo cado saylac iyo laas qoray ilaa hadaaftino bari halka u dambaysa iyo galbeed halka u shishaysa meel aanu ka shaqayn ma laha adeega Xawaalada Qaran Express.

Hada markii aanu bilawney ama aanu iskaashanay qaybta saadka waxaad moodaa meel kasta ama geed kasta miyi iyo magaalaba oo lagu hoos haysto mobile.ka waanu gaadhnaa magaalo magaalo iyo tuulo tuulo dhamaantood waanu kofor gareynaa.

Mar Gudoomiyuhu ka jawaabayey su’aal ku qotontay bal inay jireyn waxa caqabado ah oo ay kala kulmeyn wakhtigii ay ku guda jireyn asaaska adeegooda iyo imikaba waxa uu yidhi.”kolay hawl la qabanayo caqabad laga ma waayo oo way ka horimanayaan nooc kastaba ha ahaadaane,markaa runtii intii aanu ku guda jirnay shaqadayada namay soo marin wax wayn oo xaniba shaqdayada oo aanu ka gudbi kari wayno.

Dee kolay waxaan qabaa markasta oo aad hawl shaqo galaysidna waad ku sii darsanaysa shaqada iney wuxuun kaa hor iman karan,markaa waxa ka mida caqabadah yar yar ee jira kolay suuqa xawaaladaha aad baa luugu badan yahay anagu 2005tii)markii aanu bilaabayney shaqadan xawaalada suuqa waxa ku jiray 10 neeyo shirkadood oo naga horeyey ay wadanka ka shaqaynayeen intii aanu shaqada ku guda jirnayna qaarbaa kacay oo ka baxay suuqa

qaar cusubina ay soo galeen suuqyada, halkaa waxaad ka dareemi kartaa adeegan aanu qabaneyno uu aad udag yahay oo uu ka dhax jiro tartan xoog leh, tartankuna waa tartan caafimaad qaba oo maaha tartan wax duminaya markaa caqabaadku way jiraan.waxaana laga yaabaa iney jiraan qaar aanu la wadaagno dalka iyo dadkaba waxaana ka mida baanankii ganacsiga oo halkan ka ma jiraan anaguna waxaanu ka shaqaynaa waa lacag.cidii ay quseysayna waa haayadaha sharci dajinta ee baarlamaanka anaguna waxaanu ka codsanaynaa iney soo dadajiyaan xeerarkii iyo shuruucdii lagaga furilahaa dalka

horta sida aad la socotaan waxa la yidhi rooma maalin laguma dhisin shuruucdana sideedaba mar laguma wada samayn karo xeerarka iyo shuruucduna waligood ma dhamaadan oo way socdaanun oo malin walba ama mid cusub la samaynaya ama midba wax ka badan iyo kaabis lagu samaynayaa,markaa anigu shaq siyan waxaan qabaa iney xeerar keena intii badnayd ay sameysanyihiin laakiin mar walba waxa soo kordhaya wax cusub .

ganacsiguna hada waxa uu la imanayaa waji cusub ayuu wataa markaa wax

Mar la waydiiyey su’aal ahayd maxaad fariin gaadhsiinaysaa bulshada aad u adeegtaan gaar ahaana macmiishiina.waxa uu ku jawaabay.”horta waxaan halkan marka u horeysa salaan iyo duco aad u qiima badan aan halkan u marinayaa bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay dunida joogaanba gaar ahaanna macmiisha xawaalada Qaran Express.ee sida wax ku oolka ah ee la taaban karo nuugu xidhanyihiin ee noola shaqeeya.

Waxaan runtii doonayaa inaan halkan bulshada u mariyo oo aan leeyahay waar waxa lagu jiraa wakhtiyo adagbaa jira,abaaraa jira sixir barar baa jira nolashu dadku uma sahlana duruufaha sidaasi ah waxa lagaga gudbi karaa isku duubni iyo is gacan qabasho.

Waxaan dadka leeyahay nabadgalyadiina ilaashada oo isku xidhnaada cadowgiinana meel uga soo wada jeedsada.”

Diyaariye Axmed Macalin Maxamuud

hargaysa

maantasomaliland.com

Tel.4402492-9118408

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com