Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukumada Somaliland ……

Xukumada Somaliland ……

Xukuumada Somaliland Oo Maanta Si Rasmi U Aastay Baraagihii Dagaalka Ba’an Sababay Ee Kalshaale, Siina Daysay 40 Maxbuus.

Kalshaale (maantasomaliland) Feb. 28 2011 – Xukuumada Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaq in ay aastay dhammaanba baraagihii laga qoday deegaanka Kalshaale ee sababay dagaalkii dhiiga badan ku daadtay.

Munaasabad loo sameeyay aasida baraagahaas oo ay ka qayb galeen wasiiro ka tirsan xukumada, madaxda gobolka Togdheer iyo hoogaamiyaasha deegaankaas oo maanta lagu qabtay goobtii baraagaha laga qoday, ayaa lagu xaqiijiyay in la soo afjaray xuduntii mushkilada taagnayd muddada dhawrka bilood ahayd, ka dib markii ay la aasay baraagihii halkaas laga qoday.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Md Axmed Cabdi Xaabsade oo ka hadlay munaasabadaas, ayaa sheegay in guul laga gaadhay khilaafkii ay sababeen saddexda barkadooda ee laga qoday jidaas, kuwaas oo horseeday dagaalo xoog leh oo dhexmaray maliishiyo beeleedyo ka soo kala jeedada deegaanada Buhuudle iyo Qoru-lugud oo ay ku dhinteen dad badan, waxa uu sheegay wasiirku in loo baahan yahay in xal nabadeed laga gaadho colaada Kalshaale oo xasilooni daro ka abuurtay Bariga dalka.

Dhinaca kalena xukumada Somaliland waxa ay sheegtay in xabsiga Magaalada Caynabo laga sii daayay afartan iyo laba maxbuus oo lagu qabtay dagaaladii dhawaan dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa jabhada falaagada ah ee ka dagaalanta deegaanada Buhuudle.

xuseen xarbi

hargaysa

maanta somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com