Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wargeysyada Maxay Ka Qoreen Ciyaaraha Caalamka?

wargeysyada(maantasomaliland):-Iyadoo uu xiran yahay suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ayaa hadana waxay kooxaha ku jiraan qalqaalo ay is leeyihiin waad ku guuleysan doontaan, waxaanu idiin haynaa warar aynu idiinkaga soo uruurinay wargeysyada, TV-yada iyo Radiyada caalamka.

***Zlatan Ibrahimovic ayaaa daaha ka qaaday inuu isaga hayaami doono kooxda Paris Saint-Germain xagaaga soo socda.

31-jirkaan ayaa siweyn u doonaysa kooxda Chelsea, wuxuuna sheegay ciyaaryahankan u dhashay dalka Sweden inaay lasoo xiriireen kooxo dhowr ah sidaasi waxaa lagu qoray: Goal.com

***Kooxda Atletico Madrid ayaa dalab udirtay kooxda Liverpool iyadoo ka doonaysa kubad sameeyaha kooxdaasi Philippe Coutinho.

21- jirkaan ayay kooxda doonaysaa inaay lasoo saxiixato marka suuqa kala iibsiga furmo iyadoo aad u doonaysa hadii ay usoo baxaan Championka inaay si dhaqsi leh ku keeni doonto magaalada Madrid sidaasi waxaaa qortay: Sunday People

***Manchester United kubad sameeyaheeda Shinji Kagawa ayaa shaki la galiyey mustaqbalkiisa kooxda.

Ciyaaryahankan ayaanan u ciyaarin si joogto ah waxaana laga yaabaa inuu tababaraha ka codsado inuu isaga tago kooxda sidaasina waxaa qortay: Mail on Sunday

***Kooxda Manchester United ayaa u dhaqaaqday ciyaaryahanka da’da yar ee reer Barcelona Sergi Roberto taasoo ay ku doonayso €7 million.

Laacibkaan ayay doonaysaa inaay lasoo wareegto Janaayo marka suuqa kala iibsiga furmo sidaasi waxaa lagu soo qoray Wargeyska: Sport

***Kooxda Barcelona ayaa doonaysa inaay heshiiska u kordhiso ciyaaryahankeeda kubad sameeyaha Andres Iniesta.

Ciyaaryahan Iniesta iyo naadiag Barcelona oo kulamo gooni ah qaatay ayaa isla gartay in heshiiska loo kordhiyo taasoo meesha ka saaraysa in Iniesta uu kooxda ka tagayo waxaa sidaasi sheegay: Catalunya Radio

***Kooxda Arsenal ayaa doonaysa inaay kulan gaar ah la qaadato si ay heshiiska ugu dheerayso difaaca dheer kooxdaasi Per Mertesacker.

Laacibkaan u dhashay dalka Germany ayaa ku qanacsan sii joogitaanka kooxdiisa isagoo rajayanaya in mushaarka loo kordhiyo waxaa sidaasi qoray: Daily Mirror

***Tababare kuxigeenkii hore kooxda Manchester United Meulensteen ayaa la wareegay tababarka kooxda Fulham oo laga buriyey Martin Jol oo kooxda gaarsiin waayey heerkii laga filaayey.

Tababaraha la eryey ayaa keentay markii kooxda ka timi heerka labaad ee Cardiff ay ka badisay kooxda Fulham waxaana haatan gacanta loo galiyey Meulensteen oo ahaa tababareyaashii lasoo shaqeeyey Sir Alex Ferguson sidaasi waxaa qortay: The Sunday People

***Kooxda Liverpool ayaa doonaysa inaay heshiiska u dheereyso tababarahooda Rodgers iyagoo aad u jeceleystay horumarka uu kooxda kusoo kordhiyey.

Tababarahan u dhashay dalka Irishka Brendan Rodgers ayaa u harsan wax ka yar laba sanoo taasoo ay ka baqayaan in uu ka tago waxaana laga yaabaa in maalmaha soo socdo uu saxiixo heshiis dheer uu kusii joogi doono kooxda Liverpool sidaasi waxaa qortay: Daily Mirror

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com