Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kooxda Manchester City Oo Mushaar Badan Ugu yaboohday Xidiga Manchester United Adnan Januzaj

Adnan Januzaj(maantasomaliland):-Kooxda Manchester City ayaa ku sii dhowaaneysa in ay ka afduubato Man United xidigeeda da’da yar Adnan Januzaj.

Jariirada Metro ayaa sheegtay in Man City ay ubandhigtay xidiga Belguim aduun dhan £45,000 asbuucii iyo heshiis shan sano ah.

18 jirkaan garabka ka ciyaara ayaa lagu soo daray kooxda koowaad ee Man United xagaagan,laakiin wali saameyn weyn kuma yeelan Old Trafford inkastoo labo kulan oo ka tirsan Premier League badal lagu keenay.

Waqti xaadirkaan United ayaa laacibkaan kula jirta dood ku saabsan in uu heshiiska kordhiyo waxaana heshiiskiisu uu ku eg yahay 2015.

Laakiin City ayaa dabagal ku heysa waxaana dhowaan tababare Manuel Pellegrini laga soo xigtay “ waxaan la imaan doonaa xidigo dhalin yaro ah oo ka ciyaara Premier League.

Dhanka United tababare David Moyes ayaa sheegay jimcihii aan soo dhaafnay in kooxdiisu ay fursad siin doonto Adnan Januzaj.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com