Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Arsenal ,Tottenham iyo xulka Ingriiska oo ku dagaalamaya tababaraha Liverpool Brendan Rodgers

Rodgers(maantasomaliland):-Tababaha kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa noqday ninka ugu hadal heynta badan gudaha England maalmahan.

Kadib markii uu qarash yar ku dhisay Liverpool ,macalinkaan ayaa hada bartilmaameed u ah kooxaha Arsenal, Tottenham iyo waliba xulka Ingriiska .

Jariirada The Mirror ayaa sheegtay in Arsenal ay dooneyso in ay uqaadato badalka Wenger kaas oo doonaya in uu kooxda isaga tago dhamaadka xagaagan .

Spurs ayaa la sheegay in aaney ku qanacsaneyn Andre Villas-Boas kaas oo kooxda White Hart Lane galiyay qarash dhan £100m xili ciyaareedkan .

Xulka Ingriiska ayaa sidoo kale la sheegay in ay doonayaan in ay shaqada ka eryaan Roy Hodgson dhamaadka koobka aduunka ee 2014, waxaana ay doobayan in ay ku badalaan macalinkaan.

Kooxda Liverpool ayaa hada bilaabi doonto wada hadalo cusub oo ay macalinkaan heshiiska ugu kordhineyso.

Heshiiska uu Brendan Rodgers kula jiro kooxda Liverpool ayaa waxaa uu ku eg yahay dhamaadka xagaagan taas oo mushkilad ku ah kooxda Reds oo aad ula dhacsan wax qabadka macalinkaan.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com