Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

AC Milan iyo Arsenal oo ku dagaalaya goolhaye Tim Krul

Tim-Krul-Newcastle(maantasomaliland):-Kooxda Talyaaniga ee AC Milan iyo tan England ee Arsenal ayaa ku dagaali doona marka uu suuqa kala iibsiga albaabada loo furo saxiixa Goolhayaha kooxda Newcastle United Tim Krul.

Dhinacyadan ayay dhib weyn ay ka heysataa la’aanta Goolhaye dhameys tiran oo ku filan qabashada darbooyinka ka imaanaya weeraryahannada ka soo horjeeda.

Warsidaha Sun waxaa ay leedahay dagaalka kooxahan ayaa ah mid loogu kala kaci doonin sanadkan in kastoo AC Milan ay tahay kooxda muddo ku dhawaad saddax sano baadi goobeysay ninka reer Dutch.

Goolhaye Tim Krul ayaa ka warhaya dalabyada waaweyn ee u soo dhacaya hasayeeshee waxaa uu yiri “heshiiska aan kula jira Newcastle waxaa ka harsan Afar sano waana ku faraxsanahay halkan”.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com