Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wakiilada Oo Masuuliyiinta Baanka Dhexe Ka Dalbaday Inay Horkeenaan Golaha Lacagta Shilin SL Ee Ay Qaranka U Soo Daabacaan, Xukumadana U Jeediyey Soo Gudbinta Hay’ado………….

Wakiilada Oo Masuuliyiinta Baanka Dhexe Ka Dalbaday Inay Horkeenaan Golaha Lacagta Shilin SL Ee Ay Qaranka U Soo Daabacaan, Xukumadana U Jeediyey Soo Gudbinta Hay’ado………….

Hargeysa (Ramaas) Feb29, 2011- Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa si rasmiya uga dalbaday masuuliyiinta baanka dhexe ee Somaliland inay u soo gudbiyaan golaha wakiilada lacagta Shilin SL ee uu qaranka u soo daabaco.

Guddida dhaqaalaha golaha wakiilada oo cuskanaya qodobka 54-naad ee distuurka JSL, ayaa ka u soo jeediyey Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Md Cabdi Dirir Cabdi inuu golaha u soo gudbiyo lacagta uu qaranka u soo daabacayo si goluhu u ansixiyo.

Sidan waxa ay ku sheegeen guddida dhaqaalaha ee golaha wakiiladu warqad lifaaqa oo la socotay war-bixinta ay ka soo diyaariyeen miisaaniyad sannadeedkan oo hortaala golaha oo ay u soo gudbiyeen golaha, taasoo ay kaga codsanayeen ansixinteeda. Warqada lifaaqa oo ka koobnayd lix qodob oo ku taxaluuqa waajibaadka sharciyadeed oo ay u soo jeediyeen fulinteeda xukumada iyo qaar ka mida hay’adaheeda madaxbanaan.

Warqada lifaaqa ee Guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland, waxa ay u qornayd sidan. “1. In Ganacsatada iyo ciidamada shaqaalaha maaliyadu ku taageeraan Wasaarada uruurinta dakhliga ee Miisaaniyada 2011-ka.

2. Maadama ciidamada kor ku xusan la hawlgeliyey mushaharkii bishii kowaad January-na ay qaateen waxay soo jeedinaysaa guddidu inaan laga saarin Miisaaniyadda sideedana loo daayo.

3. In Wasaarada Duulista Hawada Somaliland ay sida ugu dhakhsaha badan hor keento Golaha Wakiillada $2 Dolar ee laga qaado dadweynaha Soo dagaya ama dhoofaya si ay go’aan uga gaadhaan.

4. Iyada oo laga duulayo Dastuurka qaranka Qodobka 54aad Waa inuu Baanka dhexe u soo gudbiyaa lacagaha uu soo daabacayo qaranka, si Goluhu u ansixiyo.

5. In hay’adaha ku jira Miisaaniyadda ee aan sharcigooda la horkeenin Golaha Wakiillada si degdeg ah loo horkeeno Golaha.

6. Annaga oo ka duulayna arrimahan kor ku xusan iyo lifaaqyada la socda waay guddidu soo jeedinaysa in sideeda lagu ansixiyo sannad miisaaniyadeedkan 2011.”

Magacyada xubnaha guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada.

Guddoomiye Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi, Xildhibaan Maxamed Nuur Caraale, Xildhibaan Cali Xasan Maxamed [Cali Mareexaan], Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali, Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas, Xildhibaan Maxamed Jaamac Cali, Xildhibaan Cali Obsiye Diiriye, Xildhibaan Axmed Ibraahim Daahir, Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shirre.

xasan maxamed

hasrgaysa

maantasomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com