Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Tababaraha kooxda Manchester United David Moyes Oo £50m Gacanta Loo Galin Doono si Uu U Badbaadiyo Man United

david-Moyes-(maantasomaliland):-Tababaraha kooxda Manchester United David Moyes ayaa waxa la leeyahay haddii uu wax ka bedeli waayo xaalka United, waxa uu weyn doonaa xilkiisa.

Qoyska iska leh kooxda Man United ayaa gacanta u galin doona lacago gaaraya £50m si uu suuqa kala iibsiga bisha Janaayo uga soo qaato xiddigo cusub, una badbaadiyo mustaqbalka Man United.

The Guardian ayaa ku waramaya in lacagaas gacanta loo galin doono Moyes uu u adeegsan doono laacibka uu horay Everton macallinka ugu ahaa ee Leighton Baines iyo xiddiga Athletic Bilbao ee Ander Herrera oo ay United ku guuldareysatay habeenkii ugu dambeeyey ee suuqa kala iibsiga.

Man United ayaa horay looga diiday lacago £15m oo ay ku dooneysay dambeedka bidix ee Ingiriiska Baines kaasoo kooxdiisa Everton lix kulan oo ay ciyaartay ka saaciday inuu ku hayo kaalinta afaraad ee kala sareynta, waxayna ku qasbanaan doontaa United inay sare u qaado lacagaasi.

David Moyes ayaa todobaadkii la soo dhaafay suxufiyiinta u sheegay in United aysan wax koob ah ku guuleysan karin haddii aan lagu soo kordhin xiddigo cusub.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com