Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Natiijoyinka Champions League – Group G – H: Barca iyo Atletico Madrid oo guuleystay halka Balotelli uu badbaadiyey Milan

Barca(maantasomaliland):-Kooxda Porto oo ka dhisan dalka Portugal ayaa lagu garaacay garoonkeeda iyadoo gool oo ay kaga hormartay kooxda Atletico Madrid.

Goolka Porto uu saxiixay Jackson Martinez daqiiqadii 16-aad ayaa loogu badalay laba gool oo dhashay qeybtii danbe ee ciyaarta ayaa waxaa At. Madrid ka fujiyey ciyaartooyda Diego Godin oo madaxa ku dhaliyey iyo Arda Turan oo darbad shabaqa ugu shubay.

At. Madrid ayaa guruubkaan lix dhibcood ku hogaaminaysa iyadoo kasoo kala badisay kooxaha ay la ciyaartay labadii kulan ay safatay.

Kulankii kale ee isla guruubkaan ayaa ku dhamaaday Zenit Petersburg 0 – 0 Austria Wien.

Guruubka kale ee H-ta oo ay kuwada jiraan Milan, Barcelona, Celtic iyo Ajax ayaa caawa waxaa guul dirqi ah gaartay kooxda Barcelona gool uu saxiixay Cesc Febragas kaasoo karoos uu ka helay Sanchez madaxa ku dhaliyey.

Goolkaasi qura ayay Barcelona kaga adkaatay Celtic oo lagu ciyaarayay garoonkeeda iyo wadankeeda.

Ciyaarta kale oo xiiso badnayd ayaa waxaa fooda is daray kooxaha Ajax oo lagu ciyaarayay garoonkeeda ku yaala Amesterdam.

Qeybtii hore ayaa lagu kala nastay 0 – 0. Laakin markii la isku soo laabtay ayaa waxaa weeraro aan sidaa u caga badnayn qaaday kooxda Milan waloow uu Mario Balotelli dhowr fursadood abuuray balse aysan usuuragalin inuu gool dhaliyo.

Hase yeeshee daqiiqadii 88-aad ayay Ajax gool heleen laakin garsooraha ayaa ka diiday taasoo ahayd mid gacanta lagu qaatay, laakin daqiiqad ka dib ayaa Milan loogu shubay.

Ciyaaryahan Stefano Denswi ayaa karoos lasoo ganay madaxa u dhigay kuna shubay shabaqa Milan.

Laakin waqtigii dheeriga ayaa Balotelli lagu lagday xerada ganaaxa isagoo rigoorahaasi u badal gool.

Balotelli oo dhaliyey rigoorada uu kooxdiisa guuldarada ugu badbaaddiyey kooxdiisa ayaa timi xilli uu kulankiisa ugu danbeeyey ee Napoli laga qabtay rigoore.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com