Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xisaabihii Guud ee Qaranka Ibraahin Aadan Qaalin ayaa Chief Of Cabinenta Madaxtooyadda ku eedeeyay inuu ka danbeeyay xil-da uu sheegay uu marar badan weydiistay lacago aan khasnadda dawladda ku jirin

Hargeysa, Mar, 1, 2011-(maantasomaliland)- Xisaabihii Guud ee Qaranka Ibraahin Aadan Qaalin ayaa Chief Of Cabinenta Madaxtooyadda ku eedeeyay inuu ka danbeeyay xil-da uu sheegay uu marar badan weydiistay lacago aan khasnadda dawladda ku jirin oo uu ka dalbadayka-qaadistiisa, ka dib markii si.

Xisaabihii Guud ee Qaranka oo maanta warbaahinta faahfaahin ka siiyay xil-ka-qaadistiisa ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in xil-ka-qaaditiisa uu ka danbeeyay Chief of cabinetka Madaxwtooyadda Mr, Xirsi …….. waxaannu xusay inay xil-ka-qaadistiisa soo dedejisay lacago aan sharciyadda soo marin oo Komishanka Doorashooyinku ka dalbadeen.

Mr. Ibraahin waxa uu faahfaahin ka bixiyay duuufihii uu la kulmay markii uu xilka la wareegay iyo sababaha keenay xil-ka-qaadistiisa, waxaannu yidhi
“Horta meeshan culays badanbaa jiray, markii aan xilka la wareegay waxaan la wareegay 44 Bilayn oo dayn ah, waxa kale oo aan la wareegay Foojaradii, kharashkii dawlada ee markaa socday xisaabihii oo Baanka laga waayay, waxaa soo dhan baanu dusha u ridanay, waxa aan mahadnaq gaar ah u soo jeedinayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cabdi oo runtii aad ii taageeray, waxaanu ahaa ninka keliya ee isagu arrimahaas iga horjoogay, dhibaataduna ay nagu wada dhacaysay laakiin nuxurku waxa uu ahaa in todobada nin ee komishanka oo qaadan jiray lacag gaadhaysa 9,750,000 ayaa loo soo laban laabay, marka lacagta la kordhisanayona waxa ay ahayd in lagu saleeyo darajooyinka shaqaalaha ee A,B iyo C-da ah in loo kordhiyo,”

Waxaa uu Xisaabiyuhu intaa raaciyay oo yidhi, “Markii aan la hadlay ee aan ku idhi kumaydaan jirin korodhsiimadii waxa ay ahayd dee in ay la noqdaan oo ay soo qaataan warqad korodhsiimo ah, markii ay noqdeena waxa ay igu yidhaahdeen hadii aad joogtaba, markay noqdeena warqad bay qoreen, warqadaa nuxurkeedu wuxuu leeyahay lama shaqaynayno xisaabiyaha, Foojaradayadii buu diiday oo qaynuun daro ku diiday, qaynuunkaasaa fasaxaya ma leh todobadooduba wey saxeexeen Arjibaad mooda, haddii maamulka xageeda marka la eego ninka Guddoomiyaha ahbaa wax saxeexa.”

“waxa jiray hadda ka hor dhibaatooyinka caynkaas ah dhawr goor oo hore ayuu igala hadli jiray Chief Of Cabinet-ku wax taageero ah oo aan ka helay marka aan idhaahdo lacagi ma taalo kanaam heli jirin, mar kastana isaga ayaa dhibaatda igu hayn jiray, jawaabta aan siiyo oo ahayd in aanay meesha lacagi ooilin wax garawshiiyo ah kamuu bixin jirin, markaa waxaan leeyahay aniga oo shaqadaydii ka soo baxay oo la shaqeeyay Wasiirka Maaliyada, Baanka iyo cid walba ayaa la leeyahay shaqadaadii kamaad soo bixin taasina waa iska nasiib daro, laakiin waxaan idin sheegayaa xilku inuu meerto yahay, ninka ii badalayana waan la shaqeyn doonaa, waxa weeyaan tani waxay la mid tahay tii 75-kii Bille Rafle Guuleed halkan igu xidhay ee ahayd Foojarkaan diiday ee aan shaqadii kaga tagay , waxa aan Chief Of Cabinet-ka ku eedaynayaa in uu isagu si aad ah uga dambeeyay xilka qaadistayda, waayo marka aan idhaahdo lacagi ma taalo waxa uu ogeysiin jiray xukuumadda oo Wasiirka Maaliyada iyo waliba Xisaabiyaha-na waxa lagu wargelin jiray in ay isu yimaadaan, markaa waxa aan leeyahay waa ayaan daro taasi”.
xuseen xarbi
hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com