Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciyaaryahanka Aguero iyo Silva oo diyaar u ah kulanka Bayern Munich

Aguero(maantasomaliland):-War fiican ayaa u soo yeeray kooxda Manchester City kaddib markii la ogaaday inay dib uga soo kaceen dhaawicii ay qabeen David Silva iyo Sergio Aguero oo diyaar u ah kulanka adag ee caawa koobka Yurub ay la ciyaarayaan hoggaamiyeyaasha Yurub ee Bayern Munich.

Aguero oo saxiixay labo ka mid ah goolashii 4-1 ee lagu jiiday Manchester United ayaa waxaa soo gaaray dhaawac kaas oo ka habsaamiyay kulankii guuldarada ee Villa Park.

Macallin Pellegrini ayaa ku tala jira in labada ciyaaryahan ay wajahaan kooxda tunka weyn ee Bayer Munich.

Kooxda Pep Guardiola ayaa eegaya saddexda dhibcood ee City si ay Groub D hoggaanka ugu qabtaan kaddib guushii 3-0 ee Viktoria Plzen ka soo hooyeen.

Kubad sameeya Spain Silva ayaa garoomada lugu arkin tan iyo horaantii September, waxaana uu seegay Derby Manchester halka Aguero uu kaliya maqnaa kulankii Aston Villa.

Soo laabashada kabiiradan ayaa noqon doonta mid natiijiada ku adkaysa Bayer Munich oo Man City dhawaan kaga soo adkaatay koobkii ay iyadu marti gelisay.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com