Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Denis Law: Wayne Rooney wuu jabin doonaa rikoorka goolasha ee Manchester United

roney(maantasomaliland):-Halyaygii hore ee Manchester United Denis Law ayaa waxaan shaki ku jirin ku tilmaamay in weeraryahanka xulka England Wayne Rooney uu jabin doono rikoorka gooldhaliyaha ugu badan taariikhda Manchester United.

Rooney ayaa u dhaliyay goolkiisii 202-aad kooxda haysata horyaalka England ee Manchester United sabtidii markaasoo 2-1 guuldaro ay kasoo gaartay kooxda West Bromwich Albion.

Laacibkii hore ee Everton Rooney ayaa hadda 47-gool ka dambeeya ninka ugu goolasha badan taariikhda Man United Sir Bobby Charlton oo dhaliyay 249-gool.

Denis Law qudhiisa oo qiray inuu Rooney awood u leeyahay inuu gaaro rikoorka Sir Bobby Charlton ayaa Manchester United u dhaliyay 237-gool, waxaana uu ku jiraa ragga Rooney uu rabo inuu gaaro oo uu horray u sii dhaafo inta uu ku jiro da’da dhallinyaranimada.

“lama yaabin inaan arko Rooney oo u dhalinaya 200-gool United, shaki kuma jiro inuu cagta marinayo rikoorka gool dhaliya kooxda” Law ayaa sidaas u sheeegay Review.

Manchester United ayaa caawa kulan ciyaareed ka tirsan Champions league waxa ay la leedahay kooxda Shakhtar Donetsk .

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com