Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger : Anaa ka gaabiyay Ronaldo

Ronaldo(maantasomaliland):-Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa warbaahinta u qishay inuu ka gaabiyay saxiixa Cristiano Ronaldo ka hor inta uusan ku biiran kooxda ay xifiltimaan ee Manchester United.

Arsene Wenger ayaa daboolka ka qaaday inuu ku dhawaaday oo uu qarka u fuulay inuu soo afjaro heshiiska xiddiga hadda ugu mushaarka badan adduunka laakiin looga adkaaday.

Macallinka ayaa yiri Ronaldo waxaa aan u diyaariyay inaan siiyo lambarka 9-aad oo ah booska gooldhaliyaha kooxda Arsenal.

Ninka reer France oo la hadlayay ITV4 ayaa ka shanqariyay: “aad ayuu noogu dhawaa inaan ku soo biirino Ronaldo Arsenal, waxaa uu xeran lahaa NO 9, hasayeeshee dhibta waxaa ay ahayd Carlos Queiroz ayaa ku biiray Manchester United, C.Ronaldo-na halkaas ayay u kaxeysteen maxaa yeelay Carlos Queiroz iyo Ronaldo waxa ay isku garanayeen Sporting Lisbon”.

Dhinaca kale Wenger ayaa bogaadiyay xiddigii hore ee Tottenham Gareth Bale islamarkaana uu gaari doonaa halka ay maanta taagan yihiin Cristiano Ronaldo iyo Messi uuna la qabsan doono dheesha kooxda.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com