Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

XUKUUMADA OO SADEX WASIIR U DIRTAY XALINTAA KHILAAFAAD KA JIRA GOBOLKA SANAAG

(msl)Dawlada Somaliland ayaa sadex wasiir u dirtay xalinta shaqaaqooyin ka aloosan Gobolkaasi oo midkood lagu Dilay Askari dhawaan hawl-gal shaqo ku ceeljiray oo Eedaysanihii loo diray Duleedka Ceerigaabo ee deegaanka Ximan Gareen ku Rasaaseeyay iyo muran ka taagan bedelaadii Baanka Dhexe ku bedelay Shilling Somaligii ka shaqayn jiray.

Wasiiradda la diray waxay kala yihiin Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dr: Cabdi Aw Daahir, Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga Axmed X Cali Cadami iyo Wasiirka wasaaradda Biyaha Xuseen Axmed Cabdulle. Wasiiradda ayaa ku sugan Degmadda Ceel af-weyne halkaas oo ay kaga hor yimaadeen Maamulka Gobolka Sanaag.

 Dilka Asakarigan ayaa ka danbeeyay kadib markii saraakiisha Booliiska ay soo gaadhay dacwad Dhul deegaankaas ah oo la isku haysto taasoo ay u direen Ciidan soo qabta nin laga soo ashkatooday kaasoo markii uu arkay Rasaas Ooda kaga qaaday isagoo Dillay mid ka mid ah Askartii.

Booliiska ayaa isla goobtii ku Guulaystay in ay ku soo qabtaan Ninkii Askariga Dillay waxaanay Xukuumaddu ku haysaa Xabsiga Ceerigaabo, hase yeeshee wax aka taagan xaalad ka abuurtay deegaanka Khilaaf sababay in beelaha ay soo kala gaadho saan saan Colaadeed oo ka dhalatay dhacdadan.

Dhinaca kale, Magaaladda Gobolka Sanaag waxa saameeyay khilaaf u dhaxeeya Xukuumadda iyo Beelaha ka soo jeeda Koonfurta iyo Barriga Sanaag, taasoo ka dhalatay talaabo uu Baanka Dhexe ee Somaliland dhawaan kaga bedelay Shilling Somaligii ka socon jiray.

Rabshado iyo khasaare ka dhashay Lacagahaas ayaa sababay in Xukuumadda Somaliland dhawaan ku soo rogtay Bandoo lagu xakamaynayo in ay Rabshadahaasi sii fidaan, hase yeeshee talaabadaasi dawo umay noqon xudunta dhibaatada ay ka cabanayaan Beelahaasi, waxaanay taasi keentay in xidhiidhkii bulshada gobolkaasi kala go’o.arintan ayaa mudooyinkan danbe ka jirtay gobalkaasi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com