Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Siyaasi baayacaya Kursi Golaha Guurtidda ah oo uu ku Hanto Guddoomiyanimadda

C/raxmaan Xirsi Faarax (Uur-bayte) oo ah siyaasi ka soo diga rogtay Puntland ayaa ku hawlan sidii uu u Iibsan lahaa Kursi ka mid ah Kuraasta Golaha Guurtidda si uu fursad ugu helo in uu Hanto Kursiga Guddoomiyaha Golaha Guurtidda oo loo balanqaaday.

C/raxmaan Uur-bayte waxa weeyi siyaasigii daaha dabadiisa ka hagayay Ciidan Beeleedkii dhawaan Xukuumadda Somaliland kula wareegtay degaanka Fiqi fuliye, waxaana ilaa wakhtigaas soo baxayay dareeno kala duwan oo lagu faaqidayay mashaariicda ku qarsoon Heshiiska lala galay.

Uur-bayte waxa uu ku sugan yahay Magaaladda Hargeysa isagoo ka mid ahaa Odayaal iyo Siyaasiyiin beeshiisa ah oo ay Xukuumaddu usoo xero galisay sidii ay u fulin lahayd codsiyo dhawr iyo toban qoddob ahaa oo ay ku xidheen ka mid noqoshahooda Somaliland, kuwaas oo qaarkood uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo fuliyay sida Degmadda Awr-boogays oo kale oo uu sii magacaabay maalintii uu safarka u baxayay.

Wararka kale ee fulinta Ajandahaa Uur-bayte ayaa la sheegayaa in ay ka mid yihiin sidii loogu fadhisiin lahaa Kursiga ugu sareeya Aqalka Odayaasha Somaliland, iyadoo Ilo wareedyo aad ugu dhuun daloola qorshihiisaasi sheegayaan dhawaan in uu dhaq dhaqaajiyay mid ka mid ah xildhibaanada Beeshiisa oo uu ka baayacay kursiga Xildhibaanimo ee uu ku fadhiyo hase yeeshee ilaa hada lama oga in uu aqbalay Qiimaha loo gaadhay.

Ma cada Xukuumadda Somaliland ee uu Heshiiska la galay Uur-bayte in ay qayb ka tahay baayacaadan oo ay iyadu Kharashka ka bixinayso iyo inkale hase yeeshee Qiimaha la isku baayacay oo la sheegay in uu gaadhay konton kun oo Doolar ayaa la sheegayaa inaanu wali go’in oo aan la kala jarin, wallow uu socda dedaal si xawli ah u socda oo la saadaalinayo in lagu Guulaysan doono.

Arrintan ayaa la sheegay in ay ka dhiidhiyeen masuuliyiinta ay Isku beesha yihiin eek a tirsan Shirguddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, waxaana la sheegayaa in ay bilaabeen olole ka dhan ah Hindisahan oo ka soo fufaya beesha ay ka soo jeedaan iyo Xukuumadda, kaasoo raad taban ku yeelanaya haddii aanay iska Moosin.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland ayaan la garanayn illaa hada qorshihiisu waxa uu yahay maadaama Olole hoose ku socda Kursigiisa oo ay Xukuumadda iyo kooxdan ay taageeraysaa wadato qorshe la mid ah kii loogu Cumaamaday Saleebaan markii uu Gola Dhaqameedkan la siyaasadeeyay soo Fuulayay.

Si kasta ha ahaatee waxa laga dareemayaa Golaha Guurtidda Culayska uu soo kordhin doono Ololahan oo xiligan u muuqda mid aloosan oo xidido hoose leh

xigsho waaheen

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com