Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyada Magaalada Hargeysa Ku Qaabilay Wefti Maalgeliyeyaal Shisheeye Ah.

Madaxweynaha Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyada Magaalada Hargeysa Ku Qaabilay Wefti Maalgeliyeyaal Shisheeye Ah.

Hargeysa (maantasomaliland)) Mar. 01, 2011- Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) ayaa Qasriga madaxtoooyada maanta ku qaabilay Wefti 7 xubnood ka kooban oo Maal-gashadayaal ah kana socda Dalka Maleysiya.

Madaxweynuhu waxa uu Xubnaha Weftiga uga Waramay Siyaasada Xukuumada Somaliland ee la Xidhiidha Maalgashiga Dalka, waxaanu Madaxweynuhu si faah-faahsan u cadeeyey inay Dawlada Somaliland Gacmo furan ku soo dhawaynayso Cidkasta oo maalgashi ku samaynaysa qaybaha kala duwan ee khayraadka Dalka. Sida:-

Beeraha, Kalluumaysiga, Bada, Ganacsiga, Macdanta, Shidaalka iyo IWM.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay Shuruucda Maalgashiga iyo Nabada taala Dalku u fududdaynayso una suurta gelinayso, cidii Danaynaysa in ay maalgashato Somaliland.

Xubnaha weftiga ayaa iyaguna sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin kulanka madaxweynaha iyo sida loogu soo dhaweeyey Dalka, waxaanay sheegeen in ay Nabadgelyada Somaliland iyo Khayraadka Dihin ee yaallaaba ku dhiiri gelinayaan maalgashiga dalka ee ay u yimaaeen.

Dhinaca Xukuumada waxa madaxweynaha ku wehelinaayey, Madaxweyne ku xigeenka JSL & Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada JSL.

Dhinaca Weftiguna waxay kala ahaayeen Sidan:-

1. Dato Ir. Aziz bin Mustafa Director of JPZ & Advicer.

2. Shamsul Anuar bin Shasudin Director, Cosign Sdn bhn

3. Nik Arshad bin Nik Mohamed Director, Kumpulan Senireka.

4. Nik Azlan bin Nik Mohamed Director, Kumpulan Senireka.

5. Idris bin Mohamed Noh Director, Arab Saudi.

6. Rosli bin Abu Bakar Broadcast.

7. Hassan bin Samian Regional Manager, Propel Abu Dhabi, UEM.

afhayeenka madaxtooyda Md Cukuuse.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com