Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

-Gudoomiyaha madasha wadatashiga Mujaahid Xasan Guure Jaamac,ayaa si kulul uga jawaabay jawaab uu madaxweyne Axmed Siilaanyo ka baxiyay wadatashiga ay ku baaqeen

(msl)Gudoomiyaha madasha wadatashiga Mujaahid Xasan Guure Jaamac,ayaa si kulul uga jawaabay jawaab uu madaxweyne Axmed Siilaanyo ka baxiyay wadatashiga ay ku baaqeen,waxaanu madaxweynaha ku dhaliilay in wakhtigii uu mucaaradka ahaa banaanbaxyada iyo wadatashiyadaba uu ku baaqi jiray.

Waxaanu sheegay in wadatashiga ay xukuumadu u fahantay in la inqilaabayo,waxa sida oo kale uu naqdiyay weedho ka soo baxay wasiirka madaxtooyada,waxaanu ugu danbayntiina uu wax aan la qaadan karin ku tilmamay in xukuumadu xeerarka ay samayso,f uliso isla markaasna ay xisaabiso,isaga oo dhalaliilo kalena u soo jeediyay xukuumada.

Waxa uu sidan ku sheegay Mujaahid Xasan Guure waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Geeska Afrika.

Gudoomiyaha madaxsha wadatashiga oo aanu su’aalnay sida uu u arko jawaabtii madaxweynaha ee ahayd in aanay ka hor imanayan wadatashiga ee ay ka hor imanayaan dadka duminta wada waxa uu yidhi?

Cidda duminaysaa anaga maaha waayo anagu waxaanu nidhi hala wada tashado, nin yidhi halawada tashadana waa nin duminta diidan,waana intii uu madaxweynuu shalay lahaa markuu mucaaradka ahaa haddii uu wadatashigii macno kale yeeshay maanta markuu madaxweyne noqday anagu arintaas garan mayno,haddii markii uu madaxweynaha noqday banaanbaxii noqday dumin anagu garan mayo.

Diidmadii loo diiday mucaaradku inay banaanbaxaan waaxaan u arkayney qayrul dastuuri,sharcigu waxa uu ogal yahay in la banaanbaxo oo qof kasta oo muwaadin ah waxa uu xor u yahay inuu rayigiisa banaanbax ku cabiri karo ama cabashadiisa,eraygaas dumintana waxa loo sameeyay micne aan ahayn micnahiisii,madaxweynha iyo dawladiisa waxa ku haboon inay dastuurka dhawraan, xaq uu dastuurku dadka siinaayo cidina kama qaadi karto.

Gudoomiye halkuu ku danbeeyay wadatashigii xukuumada aad ugu baaqayseen?

Xukuumadaha had iyo gooraale jinbaa ku guura oo marka la yidhaahdo aan wada hadalno waxay moodayaan in la ridaayo.

Ugu danbayntii Mujaahid Xasan Guure oo aanu waydiinay inxukuumadu ku eedaysay in dalka aanay horumar u ogalayn waxa uu ku jawaabay?

Saxibkay Xirsi waxaan ka xumahay erayga uu isticmaalay ee Xaasid oo ah mid caruurta lagu ogaa oo aan ahayn eray siyaasi,hadaanu xaasidayno umaanu soo dagaalanene,waxii horumar ah ee dalkan loo qabnaayo waanu soo dhaweynaynaa wadada Ceerigaabo waa halbowlaha umaddan  aniguna waxaan qabaa inay wadadaasi dhammaato,laakiin maray timaado cashuurta tii hore oo maqan tu danbe ii dhiiba oo bilaa xisaab ah  maashe ma qabto,waxaynu ognahay hantidhawr aan shaqayn iyo maxkamado aan shaqayn markay musuqa timaado,markaas hantida umaddan yaa lagu aaminaa,macnuhu maaha yaan cashuur la qaadin ee waa xisbaatankii,arinkoodu waa idaaya dabarka aan goostee,haddii wax la qabanaayo waanu garab taaganahay waanu soo dhawaynaynaa, laakiin haddii ay noqonayso mid hantida dadka lagu boobo wadooyinbaa laydiin dhisayaa waxaanu leenahay wado walba waxa lagu dhisaayo cidda daacad ka ah ee leh haloo dhiibo,caqlina maaha inay xeerkii dajiso,fuliso oo xisaabiso.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com