Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiiweeyay Guddida 13-ka Xubnoodka kooban ee uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) u u magacaabay qaadhaan ururinta dhiska Waddada Ceerigaabo oo uu ka mid yahay, waxaanuu sidoo kale jawaab ka bixiyay dhaliisha Mucaaridku ugu jeediyeen Madaxweynaha dhagax dhiga waddadaasru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani), ayaa soo dhai.

MSL)Wasiiweeyay Guddida 13-ka Xubnoodka kooban ee uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) u u magacaabay qaadhaan ururinta dhiska Waddada Ceerigaabo oo uu ka mid yahay, waxaanuu sidoo kale jawaab ka bixiyay dhaliisha Mucaaridku ugu jeediyeen Madaxweynaha dhagax dhiga waddadaasru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani), ayaa soo dhai.

Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) oo xalay Wargeyska Saxansaxo u waramaay, ayaa sheegay in dhamaan umadda reer Somaliland sidii waddadan loo dhisilahaa dhexda u xidhataan, isla markaana Shirweyne qarana loo qabandoono dhismaha waddada Ceerigaabo si gudiyo tiro badan oo dalk gudihiisa iyo dibadiisaba ka hawl gala loogu samayn lahaa.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) oo arimahaasi ka hadlayay waxa uu yidhi “Waan soo dhawaynayaa Guddida heer qaran ee uu Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) igu daray ee qadhaan ururinta Waddada Ceerigaabo, waana mid aad u fiican, laakiin kama filanayn in uu Madaxweynahu sidaasi deg dega ah u magacaabidoono guddida Waddadan Ceerigaabo, waxana lagu garanayaa inay ka go’an tahay Madaxweynaha markii uu dhagaxa dhigay wuu muujiyay in ay ka duwan tahay waddooyinkii kale ee uu dhagaxa dhigay, waxa uu golaha horkeenay Xeer Cashuureed oo golaha loogu talo galay oo runtii adkaa oo muddo laga wada shaqaynayay, kaas oo sida aad ka warqabto la ansixiyey waxana ka muhiimsan in aad dhagaxa dhigto in aad keento Kharashkii lagu dhisayay in aad diyaariso, kolka waxa uu Madaxweynahu u bandhigay dadwaynaha reer Somaliland gudo iyo dibadba muhiimadda waddadani u leedahay dalka, qodobka labaad ee kuu cadaynaysa in Madaxweynahu ka daacad yahay in si deg deg ah u soo saaray Guddidan ka hawlgeli doonta Dhismaha Waddada Ceerigaabo, waana guddi rag iyo dumarba bulshada reer Somaliland sumcad wayn ku leh oo heer qaran ah.”

Wasiir Cadaani oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas raaciyey “Qurbo joogana waxa aan u gudbinayaa Fariintii hore Madaxweynahu ugu gudbiyay in kasta oo aan aniga laftaydu ahay nin qurbo joog ah oo aan ogahay sida ay ugu heelan yihiin oo ay imikaba diyaar u yihiin sidii ay wixii Mucaawimo ah ee ay wadadaasi ku darsanayaan iyaga oo reer Somaliland oo dhan ah diyaar wada yihiin waxanan leeyahay oo kaliya arintu waa arin qaran oo Somaliland dhami dhexda u xidhanayso oo loo kala hadhiynin si dalku iskugu xidhmo.

Wasiir Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) waxa uu intaasi araaciyay “Dhagaxdhiga Madaxweynaha iyo Hadalka Mucaaridka labada waxa riyo ah hadalka Mucaaridku ay sheegeen isaga ayaa ha mid runta iyo Xaqiiqada ka fog waayo Madaxweynaha Somaliland wuu cadeeyay waanu u sheegay bulshada Somaliland inay Wadada Ceerigaabo dhismaheedu ka go’antay umadda reer Somalilandna waxa aan qaba hadii ay isku tagaan oo awoodooda isku geeyaan 370-KM Wadada Ceerigaabo dhiskaada ah iska daayoo Somaliland oo dhan ayay dhisan karaan,aniguna waxa aan maqli jiray markii aan qurbaha joogay Somaliland diid iyo nabad diid laakiin maanta waligay hada ka hor ma arag wax la yidhaahdo Horumar diid,kolka rag badan ayaan filayaa inay ku soo biireen qolyahii Nabad diidk ahaa oo iyaguna horumardiid ah,Mucaaridka reer Somaliland-na waxa ku haboon inay taageeraan dhismaha Wadada Ceerigaabo sida bulshada kale ee dalka ileen umadda dhan ee dalka barigiisa ee dad iyo Xooloba iskugu jirta ayay ku dhibaataysnaayee”

xuseen xarbi

maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com