Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo safar hawleed ku jooga dalka Itoobiya

(maantasomaliland) 1/3/2011 Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo safar hawleed ku jooga dalka Itoobiya ayaa la kulan shir ah la qaatay Raysal Wasaare ku xigeenka Itoobiya, mudane Hailumariam Desaglen, islamrkaa ah wasiirka Arrimaha Dibadda ee dawladda Itoobiya. Kulankaasi oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya maalintii isniintii ee ay taariikhdu ahayd 28 ka February, waxaa lagu lafaguray arrimo khuseeya nabadgalyada iyo siyaasadda gobolka, waxaana si qotto dheer loo taabtay qaar ka mid ah dhaqdhaqaaqyada nabadgalyada waxyeelaya ee ka jira mandaqadda.

Arrimaha ay sida gaarka ah uga wada hadleen labada dhinac waxaa ka mid ah arrintii ka dhalatay deegaanka kalshaale iyo mawqifka ay arrintan ka qaadatay Puntland. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland wuxuu tilmaamay in ay u arkaan mawqifka Puntland arrintann ay ka qaadatay mid faragali toos ah ku aha arrimaha u gaarka ah Somaliland, taasi loo tarjuman karo gardarro caddan ah.

Wuxuuna Wasiirku caddeeyay hawlgalada nabadgalyo doonka ah ee ay xukuumadda Somaliland ka waddo deegeenkaasi , iyadoo ay door wax ku ool ah ka qaadanayaan hogaamiye dhaqameedyada Somaliland iyo odayaasha deegaanka si nabad loogu soo afjaro khilaafka ka dhex dhacay labada beelood ee deegaankaasi wada dega. Wuxuuna wasiirku ugu baaqay maamulka Punland inay joojiyaan farigalinta arrimaha Somaliland iyo taakulaynta kooxaha nabad-diidka ah ee gacan saarka la leh argagixisada.

Itoobiyana dhinaceeda waxay shaaca ka qaaday inay soo dhawaynayso, islamaarkaana taageerayso, hawlaha horumarinaya nabadgalyada iyo xasiloonida, jeceshahayna in arrinta ka dhalatay deegaanka kalshaale iyo nawaaxigeeda lagu soo dhammeeyo nabadgalyo.

Waxayna labada geesood tilamaameen sida loogu baahan yahay inay si wada jir ah ugawada shaqeeyaan sidii loo yarayn lahaa khataraha ka iman kara nabadgalyada xumamada oo saamayn kuwada yeelan kara gobolka. iyo dhamaan mandaqada

xuseen xarbi hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com