Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kooxda Liverpool oo la wareegtay hoggaanka horyaalka Ingiriiska

Daniel Sturridge(maantasomaliland):-Liverpool ayay mar kale caawa ku hooyatay fooqa sare ee horyaalka Premier league kaddib guushii damaashaadka ahayd ee ay ka gaareen kooxda Crystal Palace.

Reds ayaa Arsenal si ku meel gaar ah hoggaanka kala wareegtay, waxaana ay ku adkaatay 3-1.

Goolal ay kala dhaliyeen Luis Suarez oo 14 daqiiqo shabaqa furay, Daniel Sturridge oo labeeyay 17-daqiiqo halka kabtan kooxda Steven Gerrard uu darbad rigoore ah uu ku dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee Premier league daqiiqadii 38 aad balse gool calanka Palace waxaa u dhaliyay 77-daqiiqo     Dwight Gayle.

Hogaanka cusub ee Caawa horyaalka England ayaa leh 16 dhibcood kaalinta koowaad ayayna ku jiraan, Arsenal ayaana kaalinta labaad fadhisa oo 15 dhibcood aruursatay laakiin ogow Arsenal kulan ayaa baaqi u ah.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com