Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirrada Madaxtooyadda iyo Warfaafinta Somaliland ayaa maanta kormeer ku soo maray dhismaha iyo dayactirka lagu samaynayo jidka isku xidha Hargeysa iyo Berbera oo maraya marxalad gabo-gabo ah isla markaana ku siman illaa degmadda Dacar-budhuq oo la gaadhsiin doono magaaladda xeebta ku taalla ee Berbera.DAAWO SAWIRADA

Wasiirrada Madaxtooyadda iyo Warfaafinta Somaliland ayaa maanta kormeer ku soo maray dhismaha iyo dayactirka lagu samaynayo jidka isku xidha Hargeysa iyo Berbera oo maraya marxalad gabo-gabo ah isla markaana ku siman illaa degmadda Dacar-budhuq oo la gaadhsiin doono magaaladda xeebta ku taalla ee Berbera.

Dayactirkan lagu sameynayo jidka laamiga ah ee isku xidha Hargeysa iyo Berbera, ayaa ka dhashay ayaa lagaga hortagayaa khasaaraha dhismashada iyo dhaawaca sababa ee ka dhaca wadadaasi.

Wasiirka Madaxtooyadda Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay wasaaradiisa hoos tagto wakaaladda horumarinta waddooyinka ayaa warbixin ka dhagaystay Injineerada dhisaya jidkaasi, kuwaasi oo sheegay in dayactir weyn lagu sameeyay jidkan oo loo dayactiray qaab adkaysi leh suurto-gal ka dhigaya inaanay muddo waxba noqon.

Wasiirku waxa uu sheegay in dayactirka jidkan looga dan leeyahay in meesha laga saaro khasaarihii shilalka gaadiidka ee ka dhici jiray wadadan.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in jidkan dayactirkiisa laga soo bilaabay duleedka magaaladda Hargeysa isla markaana la gaadhsiin doono magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa sheegay in xukuumadda uu ka tirsan yahay ay ka go’an tahay horumarinta jidadka. Waxaanu tilmaamay in dayactirka deg-dega ah ee lagu sameeyay jidkani uu tusaale u yahay sida Somaliland ay iskeed u horumarsan karto waddooyinka.

1

2

3

4

4r

ee

er

fff

fff[1]Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland oo ka hadlaayay duleedka Magaaladda Dacarbudhuq laamiga badhtankiisa iyadoo markaas shaqaduna socotay, ayaa sharaxaad ka bixiyay wadooyinka Somaliland.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in xukuumadda Axmed Siilaanyo ay mid ka mid ah yoolkeeda waxqabad ee ugu weyn ka dhigtay hagaajinta waddooyinka oo uu ku dooday inay furre u yihiin kaabeyaasha dhaqaalaha.

Geesta kalena, xubno ku hadlayay gaadiidlayda iskaga goosha Hargeysa iyo Berbera ayaa soo dhaweeyay dayactirka weyn ee lagu sameeyay wadadan oo ay xuseen inuu yahay kii ugu balaadhnaa ee lagu sameeyo jidkaasi. Waxaanay bogaadiyeen xukuumadda iyo wasaaradda madaxtooyadda oo ay hoos tagto wakaaladda horumarinta waddooyinku.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com