Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Gudoomiyaha Shirkadda Kaluumaysiga Wadajir ee Degmada Maydh Cige Axmed Ismaaciil ayaa soo dhoweeyay hawlagalada kaluumaysi ee shirkada Pountas marine dhowaan ka bilaabi doonto xeebaha Somaliland.

maydhGudoomiyaha Shirkadda Kaluumaysiga Wadajir ee Degmada Maydh Cige Axmed Ismaaciil ayaa soo dhoweeyay hawlagalada kaluumaysi ee shirkada Pountas marine dhowaan ka bilaabi doonto xeebaha Somaliland.

Gudoomiyaha oo u waramay saxaafada ayaa ku tilamaamay talaabo wanaagsan hirgelinta shirkada pountas oo maal gelin xoog leh ku samaynaysa dhinaca ka faa’iidaysiga khayraadka bada.

[Iskaashato ahaan waanu soo dhoweynaynaa shirkadaa,anagoo ka shaqaysan doona isla markaana ka faaiidaysan doona khibradaha iyo aqoonta casriga ah ee kaluumaysiga,waxa kale oo arintani ka qayb qaadan doontaa shaqo abuuris ay bulashadu ka heli doonto,waxanu ku rajo weynahay inay shirkada pountas wax badan ka qaban doonto hir gelinta nidaam kaluumaysi oo leh tayo sare] ayuu yidhi gudoomiye Cige.

Dhowaan ayay ahayd markii lagu daah furay gobolada Somaliland shirkadda Pountas Marine,taas oo dadweynuhuna    ku qaabileen dareen yididiilo leh,kaas oo lagu rajo weyn yahay in lagaga baxo baahidii loo qabay in dalku yeesho kaluumaysi isku filan,oo dadka ka haqab tiro helitaanka wax soo saar dhinaca bada ah.

XUSEEN XARBI

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com