Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maamulka Dekadda Berbera iyo maamulka kastamka Berbera, ayaa war-saxaafadeed wada jir ah oo ay soo saareen ay ku beeniyeen inaanay jirin warar sheegayay in shirkadda shiidaalka ka qodaysa ee Genel Energy ay Kontiinaro ay macdan ku soo guratay ka dhoofinayso marsadda Berbera, siday faafiyeen qaar ka mid ah saxaafadda dalku.

(msl)Maamulka Dekadda Berbera iyo maamulka kastamka Berbera, ayaa war-saxaafadeed wada jir ah oo ay soo saareen ay ku beeniyeen inaanay jirin warar sheegayay in shirkadda shiidaalka ka qodaysa ee Genel Energy ay Kontiinaro ay macdan ku soo guratay ka dhoofinayso marsadda Berbera, siday faafiyeen qaar ka mid ah saxaafadda dalku.

War-saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen caawa maareeyaha Guud ee dekadda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed Iyo Maamulaha kastamka Berbera Maxamed Cabdi Gurxan, ayay si waafi ah ugu beeniyeen jiritaanka warkaasi, waxaanu war-saxaafadeedkan oo dhamaystirani u dhignaa sidan:-

“Waxaan halkan jawaab shaafi ah kaga bixinaynaa war aan jirin oo lagu baahiyey qaar ka mid ah wargaysyada iyo websiteyada. Kaas oo sheegay in shirkada shiidaalka sahaminaysa ee Genel Energy, ay dhagaxaan macdan ah container ku soo gurtay, dekedana ka dhoofineyso,hadaba waxaan halkan ku cadaynaynaa in in aanay warkaas waxba ka jirin; wax macdan ah oo dekeda la soo galiyey 1 gram na ha ahaatee aanaay jirin.

Hadaba, waxay shirkada Genel Energy sifo sharci ah ugala soo degtay garoonka diyaaradaha Berbera 27, March,2013 iyo 21,August,2013 alaabta magaceedu yahay geophsical survey eqiupment alaabtaas oo qayb ka mid ah ay codsadeen inay ceshadaan, sifo sharci ahna loogu ogolaaday dib u celinteeda, markii dekeda ay soo galayeena nidaamkii baadhista iyo hubinta la mariyay iyada oo dhamaan haydaha Dekeda, kastamka iyo boolis-kuba ay goob jog ka ahaayeen baadhistaas.

Sidaa darted, waxaan ka xunahay warkan been abuurka ah ee laga baahiyay shirkada wadanka u timid una joogta baadhista iyo soo saarka khayraadka dalka, waxa kale oo aanu ka xunahay been abuurka kale ee lagula dul dhacay hay’adaha dawliga ah ee dekeda, kastamka iyo ciidanka booliska oo u adeega ilaalinta sharci ee dhoofka iyo soo dejinta badeecadaha. Ugu danbayn waxan ka codsanaynaa saxaafada xorta ah baahin wararka noocan oo kale ah.”

maanta somaliland.co

hargaysaa/office

xuseen xarbi

tel/252634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com